Tuesday, March 18, 2014

Arrimahan Noloshaada ayay Muhiim u yihiin


download (8)(GNA)Ku Bixi waqtigaaga Dadka wanaagsan oo ku dayashada mudan, si aad u hesho caqli nadiif ah oo aad kaga guuleysato nolosha cajiska maxey tahay sababta aad kaga guuleysaneyso. Nolosha caajiska waa horseedaha burburiyaha qalbiga haddii taasi dhacdana waxaa gebi ahaanba burburay noloshaada oo idil.




 




Waqti hore go`aan gaa xilliga go’aan qaadashada ma ahan wax dhib yar mana ahan wax markiiba lagu degdego Oo maahmaah soomaaliyeed ayaa oroneysa ” degdegsiinyo door ma dhasho ” marka waxaa loo baahan yahay inta aadan go’aansan talada, waxaa haboon in aad dhinacyo fara badan ka eegtid, kolba aad go’aan gaareysid waa inaad u kala saarta faa’iido iyo qasaaro sababta ayaa noqoneysa wax weliba waxaa ku lamaansan guul iyo guul daro




 




Fursada wax ka sii dhigaada marka aad milicsato ruux xambaarsan aragtiyo kala duwan fursad sii, taasi ayaa fududeynayso in aad kala qaadataan xogo muhiim ah oo la xiriira nolosha iyo dabeecada, maxay noqon natiijada waxaa markiiba garaneysaa fikrada uu xambaarsanayahay iyo waxa uu damacsanyahay, Adigase waxaa lagaa Doonaaya in aad kala saarto waxa kaala gudboon fikirkiisa adigoo eegaya wanaaga iyo Qadarinta qofka aadanuhu mudan yahay




 




Dadka kula dhaqan Naxariis iyo Xushmad  Naxariista iyo xushmada waxa ay kaalin weyn kaga jirtaa nolosha wanaagsan waxa ay sahasha in aad bulshada sumcad ka kasbato sidoo kale waxa ay sahashaa in bulshada guud ahaanteeda ay xiiso weyn kuu qabaan la kulankaadase ay ku fekeraan heer si dadka martabada sare leh




 




Qofkasta ugu yeer darajadiisa. waa xaasidnimo tan ugu xun in aad xaqirto darajada qofku leeyahay waayo is naceybku waxa keena in darajada aan la isku ogoleyn oo la isku diido horumarka lagu tilaabsado sababtoo ah wanaaga bulshada waxaa kaalin ka ciyaarta in la isku ogolaado darajada qof leeyahay




 




 




Diyaariye:-C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Hargeysa/Somaliland