Sunday, March 23, 2014

Aqoonta Ayaa Horseeda Guusha!by Axmed Haybe


Qiimaha basharka ayaa soo if baxa marka uu barto aqoon anfacaysa aduun iyo aakriba. Marka la is waydiinayo aqoonyahan ayaa si xikmad leh uu islaamku uga jawaabay waana kan bartay wax kasta oo waxtar u leh naftiisa aduun iyo aakhriba. 




Islaamku kan caalimka sheeganaya ee aan aqoon abuurka naftiisa iyo ujeedada ka danbaysa wuxu u yaqaan jaahil.. Waayo asalkiisa ayuu ilawsan yahay wuxuuna la mid yahay xayawaanka iyaba yaqaana sida loo ugaadhsado ama loo noolaado.




Hiigsiga iyo himiloyinka waa la samayn karaa  waxase adag sida lagu gaaro, yoolka aad abaareyso, waxaanse shaki ku jirin kolka aad xaqiijiso himiloyinka aad ku taameyso, aadna ka soo gudubto caqabadaha faraha badan (Challenges)  in umada oo idilin ay ku dugsato, oo geed la hadhsado aad noqoto.




Aqoontu waa mid dhalisa iskaashi, midnimo wax wada qabsi. Waayo waxay si cad u iftiimisa mustaqbalka nolosha iyo maslaxadda guud ee bulshada sidii loo dabooli lahaa dhinacyada caafimaadka, waxabarashada iwm.




Aqoontu  waxay ina baraysaa in midnimada iyo iskaashigu yahay waxaan lagama maarmi Karin oo nolosha ka mid ah. Islmaakuna sidaas ayuu ku adkeeyay bulshada dhamaanteed si ay u noqdaan kuwo horumar dhakhso ah gaadha.




Waxaana loo baahan kuwa aqoonta bartay ee jaamacadaha dhameeyay, inay kobciyaan aqoonta taasina waa iyadoo akhriska iyo daaalacashada buugaagta la badiyo, lana yareeyo fadhiga makhaayadaha iyo sheekada aan macnaha badan lahayn ee ku salaysan siyaasadda.




Wakhtigan aynu ku jiro Aqoontu meel kasta way  taal, kumana xidhna dal gaar ah iyo jamacad gooni ah.  Kan Qurbaha ka soo ambabaxay wuxu isu malaynayaa inuu yahay aqoon yahan tegay, iyadoo kuwii dalka joogayn uu arko kuwo geeljire ah , xaqiiqduse sidaasi maha ,aqoontuna maanta kuma xidhna dal iyo goob gaar ah.!!




Inkastoo laga yaabo kuwan ka yimi debedaha inay helayeen waxyaabo badan oo u fudadiyay (facilities) oo ka badan kuwan dalka lagu hayo, haddana dhinbiishii aqoonta shidi  lahayd qof kastaa maanta gacanta ayaa ku haystaa meel kasta ha joogee dalka ama debedda.




Waxa fiican in qof kasta laga helo dhuuxa iyo dheecaanka aqoonta taasi oo keenaysa inay fududayso horumarka dalka , ayna yarayso jahliga keenaya kala shakiga, iyo is aamin la’aanta.




Wa Bilaahi tawfiiq




Ahmed Adan Cali (Haybe)