Foojignaan lagaga hor tegayo in Firxadka Al-shabaab u markhaatu furo walaaca Ingiriisku ka qabo Amniga Somaliland ayaa loo aanaynayaa cabsi Boorsooyinka lagaga madnuucay Hudheelada
Hargeysa(GNA)-Amaanka Hudheeladda Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa la adkeeyay bilihii ugu dambeeyay, si ka duwan sidii hore ee caadiga ahayd.
Qaar ka mida Hudheeladda waaweyn ee dadka siyaasiyiinta ah, Ganacsatada iyo Saxaafaddu ay ku xidhanyihiin ,kuwaasoo aan awal hore dadka gelaya cidi baadhi jirin waxay sitaan iyo boorsooyinka alaabta lagu qaato ee ay wataan, ayaa albaabadda hore ee laga galo hada lagu hubiyaa waxyaabaha gacanta lagu qaato ee ay dadku sitaan.
Doodda Dadweynaha iyo Waariyeyaasha Hudheeladda
Hudheeladda qaarkood ayaaba laga madnuucay in lala galo Boorsooyinka iyo waxyaabaha kale ee laga shakiyo, taasoo abuurtay dareen iyo dood shacbiga iyo askarta albaabada wax ku baadha si joogto ah u dhex marta.
“Waxa amar nalugu siiyay inaan Boorso wax la yidhaahdo lala soo gelin gudaha Hudheelka”sidaasi waxa Wariye ka tirsan Gobanimonews u sheegay Askari Waariye ka ah mid ka mida Hudheeladda laga cunteeyo, xafladahana lagu qabsado ee ku yaala Xaafadda Shacabka.
Mid ka mida laba Dhalinyaro Hudheelka geli rabay oo Boorso ku sitay Buugaag iyo Askariga ayaa muran dhex maray intii Wariyuhu ku sugnaa Afaafka Hudheelka, waxaanay markii dambe ee isdhaafsadeen hadalo Kaftan ah oo laga dhadhansanyay isku riix-riix sababta keentay cabsida amaan daro ee arrintan keentay.
Xafiisyada Dawladda
Foojignaanta noocan ee xaasaasiyadda laga qabo Shandaddaha Agabka Shaqada lagu qaato, ayaa hore uga jirtay xafiisyada dawladda badankooda, kuwaasoo dadka sita si xoogan loo baadho, meelaha qaarna laga madnuucay in lala soo galo.
Xarunta Goleyaasha labada aqal ee Baarlamanka Somaliland iyo xafiiska Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka mida goobaha dawliga ah ee sugida amnigoodu gaadhay heerkan, kuwaasoo Ilaaladdoodu sheegtay in amar lagu siiyay inaan wax boorso iyo Hu’ kale oo wax lagu soo qarin karo sidii la soo gelin Karin gudaha.
“Waa la joojiyay in Boorso lala soo galo xafiiskan, qofkii sitaana waa inuu dibada kaga yimaado”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Gaashaanle ka mida Ilaalada Aqalka Wakiillada.
Arrimahan ayaa dhacaya xili aanay Bulshadu wax ogaysiin ah ka heysan hay’addaha dawladda ee amniga qaabilsan iyo Mulkileyaasha Hudheeladdu, taasoo xudun kaliftay in si joogto ah muranku uga dhex taaganyahay Bulshada iyo Waardiyeyaasha.
Ogaysiis laba bixin
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Bilayska iyo Wasaaradda Daakhiliga oo si caam ah Bulshada loo faray, balse saraakiil sar-sare oo Ciidamada amniga ka mid ah ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in arrintani ku timi amar ka soo baxay Taliska Bilayska iyo Arrimaha Gudaha.
“arrinta ah in kor loo qaado amniga Hudheeladda madaxda dawladda iyo dadka ku xidhani ku kulmaan Taliye ku-xigeenka Bilayska ayaa amar ku soo saaray”sidaa waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida Saraakiisha Ciidanka bilayska.
Mulkileyaasha Hudheelada ayaa iyaguna ku doodaya in arrintani wax weyn ka tarayso adkeynta nabad-gelyada Hudheelladoodda .
Cabsida firxadka Alshabaab iyo Digniinta Amni ee Dawladda Ingiriiska
Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili ay waddamada Geeska Afrika soo waajahaday cabsi laga qabo firdhadka Kooxda Al-shabaab oo muddooyinkii u dambeeyay laga qabsaday deegaamo badan, isla markaana dawladda Soomaaliya iyo xoogaga amisom sheegeen inay ka saarayaan Gobollada Soomaaliya.
Dagaalka Kooxda Al-shabaab ayaan ahayn mid Gobol kaliya ku waajahan, balse dawladdaha reer Galbeedku aaminsanyihiin inay weeraro ka fulin karaa meel kasta oo ay danahoodu ka socdaan, oo Somaliland ka mid tahay.
Sidaasina waxa lagu sheegay digiin ay todobaadkii hore soo saartay Wasaaradda arrimaha dibada ee Dawladda Ingiriiska oo sheegtay inay Reer Galbeedka ku sugan Somaliya iyo Somaliland khatar ugu jiraan halis kaga soo fool leh weerraradda Al-shabaab.
Inkasta oo aanay dareen ahaan iyo debci ahaanba dhinaca amaanka iyo degenaanshiyaha ka sinayn Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana Al-shabaab awood Milateri ku lahayn Gobollada Somaliland, foojignaan awgeedna dawladu gacan bir ah ku qabato cid kasta oo si loogu tuhmo inay xidhiidh la leedahay.
hadana Dawladda Ingiriiska ayaa walaaca ay muujisay ku andacoonaysa inay hanjabaad joogto ah, taasoo ka dhan amniga danahooda Geeska afrika uga yimaadaan Kooxaha Argagixisada.
Sidaasi darteed arrintan iminka ay isla qaateen Dawladda iyo dadka dambaaba goobaha bulshadu ku kulanto iyo Digniinta Boqortooyada Ingiriisku soo saartay, ayaa labaddooduba muujinaya in khatar Ururka Al-shabaab ee Gobolku saameyn weyn ku sii yeelanayo Kalsoonida lagu qabi karo Amaanka dalka.
waayo Aragnimada Bulshada rayidka ah ee dagaalka Al-shabaab iyo Somaliland
Laakiinse dareen ahaan, waxa iska cad inaanay bulshada badankeedu dhaadeynayn inay weerari karaan goobaha Ganacsiga ee noocan oo kale, balse dadka rayidka ah ayaa aaminsan in bar-tilmaameedka halista amniga ee Kooxaha abaabulan looga baqi karo xarumaha dawladda iyo Xafiisyada Hay’addaha Ajaanibka ah.
Taasina waa aragti laga soo miin guuriyay xasuusta Weerarradii Ismiidaaminta ahaa ee 29-kii bishii October ee sanadkii 2008, dagaalyahanada Ururka Al-shabaab la beegsadeen saddexda Xafiis ee kala ah Aqalka Madaxtooyada Somaliland, xarunta Hay’adda UNDP ee Hargeysa iyo Safaaradda Itoobiya.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com