"U diyaar garooba Dhalinyaro iyo Waayeel jihaad ka dhan ah Axmaarada"Hogaamiyaha Al-shabaab oo Caawa Fariin guubaabo ah u diray Dagaalyahanadiisa iyo Soomaalida..Hoos ka dhegeyso..
Muqdisho(GNA)-Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr ayaa mar kale ka hadlay Xaaladda dalka Somalia iyo dagaalka ay ka waddo kooxda Alshabaab.
Fariin cod ah oo lagu baahiyay mareegaha Internet-aka ee Kooxda Al-shabaab ayuu ku sheegay Mukhtaar in Dagaalyahanada Al-shabaab looga baahanyahay inay liban laabaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada huwanta ah ee ka hawl-gala Somalia (Amisom).
Godane ayaa Ciidamada AMISOM ku tilmaamay cadow ku soo duulay dalka, loona baahanyahay in laga xoreeyo.
Hadalka Hogaamiyaha Ururka Al-shabaab ayaa yimi xili dagaalo qadhaadhi ka socdeen Gobollada Koonfurta iyo badhtamaha Somaliya dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, kuwaasoo u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo Xarakadda Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa guullo ka sheegatay Dagaaladan oo ka dhacay Gobollada Bakool iyo Geddo , waxaanay sheegeen inay askar badan oo Itoobiyaan ah laayeen.
Axmed Cabdi-godane ayaa bayaankiisa ku sheegay in kuwa ku soo duulay Somaliya ay jabi doonaan, isla markaana laga gacan sarayn doono.
Waxa kale oo uu dhaleeceeyay waxa uu ku sheegay Duulimaadka Shisheeyaha ee Waddanka, isagoo shacbiga Soo jeediyay inay ka qayb qaataan dagaalka lagaga soo horjeedo AMISOM.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Kalmad-Sheekh-Abu-Zubeyr.lite_2.mp3"][/audio]