Pages

Sunday, March 9, 2014

Al-shabaab oo sheegatay gacan ku haynta Degmada Buur-dhuubo iyo Libin dagaal


Ciidanka ItoobiyaBuur-dhuubo(GNA)-Ideecaddaha  ku hadla afka ururka Alshababa ayaa sheegay wali in Xoogaga ururkaasi iyo Ciidanka Itoobiya ku dagaalamayaan Buur-dhuubo, halkaasoo la kala riixanayo gacan ku haynteed.




Dagaalka ayaa ka socda Dhulka Buuraylada ah ee dhagaxa badan.




Sarkaal u hadlay Al-shabaab oo la hadlay Andulus, ayaa sheegay inay Khasaare badan gaadhsiiyeen  Ciidanka Itoobiyaanka labadii maalmood ee la soo dhaafay.




Ciidanka Itoobiya ee ka dagaalamaya Aagaasi ayaan cududdooda Milateri wanaagsanayn, sida ay goob-joogeyaal sheegayaan.




Al-shabaab ayaa sheegatay inay wali gacan ku hayaan Degmada, isla markaana ay ka saareyaan Itoobiyaanka dhulkaasi.




Warkan ayaa khilaafsan tibaaxo hore oo soo baxayay oo sheegay in Al-shabaab laga qabsaday Buur-dhuubo.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ciidamada AMISOM iyo Itoobiyaanka oo la xidhiidha sheegashada Al-shabaab ee gacan ku haynta deegaanka lagu dagaalansanyhay.




Ma jiro warar madaxbanaan oo laga helay deegaankaasi ilaa hada.