Pages

Thursday, March 13, 2014

Al-shabaab oo Buullo-barde lagaga qabsaday Dagaal Qadhaadh


Buulo-bardeBuulo-barde(GNA)-Dagaal ayaa ka socda Deegaanka Buulo-burarde ee Gobolka Hiiraan sida ay goob-joogeyaal ku waramayaan, laakiinse  Saraakisha Dawladda ayaa sheegay inay qabsadeen Magaalada.




Iska-horimaad xooggan oo dhinaca galbeed ee magaalada ka dhacay kaddib ayaa waxaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMSIOM u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaas.




Degmada Buulo-barde  oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Hiirana ayaa ku jirtay gacanta Al-shabaab dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo laga qabsado.




Wararkii ugu dambeeyay Ciidanka Dawladda iyo kuwa Djibouti oo isgarabsanaya ayaa sheegay inay qabsadeen Magaalada.




Al-shabaab weli kama  hadlin qabsashada degmada Buulo-barde, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ahaa mid xooggan oo ay ciidamadu isku adeegsanayaan hubka culus iyo midka fudud labadaba.




Baro-kac  xoogan ayaa tan iyo saaka ka socday goobaha dagaalku ka socdo.




Dadka ayaa ka cararaya in khasaare ka soo gaaro gulufka u dhexeeya labada ciidan ee iska soo horjeeda.




Al-shabaab iyo Huwanta AMISOM iyo Milateriga Somaaliya ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyay dagaalo qadhaadh iskaga hor-yimi Gobolada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.




Labada Dhinac ayaa guulo kala duwan ka sheeganaya Dagaalladda, balse dawladda Federaalka ayaa hore u shaacisay hawl-galo Al-shabaab lagaga sifaynayo Gobollada gacanta wali  ugu jira.