Hargeysa (Gobanimonews) wasiiru dawlaha maaliyada oo soo Gunaanaday kormeer uu ardayda reer Burco lagaga wacyi galinayay qabyaalada
Wasiiru dawlaha Maaliyada Jsl Cismaan C/laahi Saxardiid(Cadaani) oo Hogaaminaya Maamulka Gobolka Togdheer,Xildhibaano iyo waxgaradka Gobolka Togdheer ayaa Maanta soo Gunaanaday Kormeer ay ku marayeen Dugsiysa Sare ee Magaalada Burco si uu uga wacyi galiyaan dhibaatada ay qabyaaladu leedahay,wasiirka oo mudo Afar casho ah ku marayay dugsiyada ayaa waxa ka mid ahaa Dugsiyada uu kala hadlay qabyaalada dibatadeeda isla markaana uu uga digay inaanay ardaydu isu laynin qabaa'il
Dugsiyada uu wasiirka iyo waftigiisu ay wacyi galiyeen oo ay ka mid ahaayeen,Dugsiyada Sare ee shiikh Bashiir,Shiikh Cismaan Nuur,Shiikh Ibraahin,Dayaxa,Ilayska Togdheer,Candliat,
Wasiiru Dawlaha Maaliyada Cismaan C/laahi Saxardiid(Cadaani) ayaa dhamaanba Dugsiyada uu marayay ardayda uga jeediyay Qudbado dhaadheer oo saacado ugana sheegay inay iska ilaaliyaan Qabyaalada,maadaama aanay Mustaqbalkooda u wanaagasanayn,waxa kale oo wasiirku aradayda uga digay inay iska ilaaliyaan cida qabyaalada wada oo uu ku tilmaamay odayaal iyo cid danaysta ah oo mansab ku doonaysa,wasiirka oo arimahaas kala hadlayana waxaa hadaladiisii ka mid ahaa''cidii idiinla timaada qabyaalada iyo qudhunka waxaad ku tidhaahdaan nagama mid tihid,anagana hadii aanu dawlada nahayna kaa dalka qabyaalada ka wada mandheera ayaanu u samysanay oo waa idinka qabanaynaa,Madaxwaynaha iyo dawladana waa ka Go,antahay inaanu kaa qabano,sababta kaliya ee aan halkan waftigii aan la socday uga hadhay waa waxaan maqlay waxyaabaha qabyaalada ah ee laga soo sheegay magaalada Burco,wakhtigii hore Burco caan bay ku ahayd dhalinyarada iyo ciyaaraha oo maalintay ciyaarayso xamaasada iyo quruxda waa la yaabi jiray.maantana inamadii ciyaarayay iyagaa dibaato ka dhexdhacday oo yagii la xidhxidhay oo ciyaartii laga mamnuucay.waar ardayeey dalinyarooy sumcadii soo celiya baan idn leeyahay
Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo isna waftigaas kormeerka wacyi galinta ah waday ka mid ahaa,ayaa isna waxa hadladii uu dugsiyadaa ka jeediyay ka mid ahaa,ujeedada kormeerkayagan waxa weeyaan inaynu soo celino sumcadii reer burco oo ahayd hormuudka somaliland waayo waa halkii haldoorka somaliland ka imanjiray'ee inaanay dib u dhicin wax yaabihii yaraa ee hore u dacay,mana aha,ina aradayda iyo ciyaaraha qabyaalad la galiyo,oo xilayadii aan anigu ciyaaraha ku dhex jiray sideed laba laba u walaalo ah ayaa reer Burco u ciyaarayay koob iyo tobanka ciyaartoy,
Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid ayaa isaguna ardayda kala hadlay uga digay dhibaatada qabyaalada una sheegay inaanay wasaarad ahaan raali ka noqon doonin cidii qabyaalad dugsiyada ka wada.
sidoo kale wasiirka ayaa kulamo la yeeshay dhalinyada Magaalada Burco kuwaas oo ay isla qaateen isdhexgal ay dhalintu samayso si aanay mar danbe u dhicin in iska hor imaad uga dhex dhaco dhalinta.
kormeerkan wacyi galinta ah ee Maalmahan laga waday dugsiyada iyo goobaha wax barashada ee magaalada Burco ayaa waxay ka danbaysay,markii dhawaan ay soo noqnodeen kooxo ka mid ah ardayda iyo ciyaartoyga oo isu laaya qabaa'il.