Pages

Wednesday, February 19, 2014

Wasiir Samaale: Baasaaboorkii cusbaa waanu soo iibinay”.


Wasiirka Maaliyadda Somaliland  oo Faahfaahin ka bixiyay Gaadiid iyo Agab kale Xukuumaddu dibada ka soo iibisay




Berbera(GNA)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay inay dhamaystir ku dhowyihiin Gaadiid iyo agab kale oo dawladdu dibada ka soo iibsatay oo ay jiraan Baasaaboorka cusub, Doonyo Ciidamada Badda loogu talo galay iyo Gaadiid nooca Beeraha lagu qodo ah.




Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Maanta isaga iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda Beeraha ka socday Magaalada Berbera ay ku soo dhaweeyeen  Gaadiid nooca Beeraha lagu qodo ah oo Wasaaradda beeraha loo soo iibiyay.




Wasiirka ayaa sheegay in qalabkan iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin Doonyo Ciidanka Badda loogu talo galay iyo Baasaaboorka cusub ee dalka oo todobaadka dambe dalka soo gaadhi doonaa,ay ka mid yihiin mashaariicdii ku jiray Miisaaniyadda 2013-ka.




“Gaadiidka Beeraha loogu talo-galay, Baasaaboorkii cusbaa oo todobaadka dambe imanaya, Doonyo Ciidamada Badda loogu talo-galay oo iyagana aan filayo inay dhawaan dalka iman doonaan, waxay ka mid aahayeen waxyaabihii Mashaariicda ahaa ee aanu Miisaaniyadii 2013-ka ku darnay”ayuu yidhi Wasiir Samaale.




Wasiirka ayaa sheegay in agabkani kaalin balaadhan ka geysan doono horumarinta Beeraha iyo adeegyada kale ee ay ku tacaluqaan, isagoo xusay inay Xukuumaddu dedaal balaadhan ugu jirto horumarinta Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax soosaarka, qalabkana loo soo iibiyay si horumar loogu sameeyo Wax soo saarka dhanka Beeraha.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com