Hoos ka dhegeyso Wasiir Cukuse oo Xaflad ay ku dhamaaneeyn Saxaafadda Somaliland, Qaramada Madoobay-na goob-joog ka ahayd hadal dareen dhaliyay ka jeediyay...
Hargeysa(GNA)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa si adag u daadifeeyay jiritaanka Tacadiyo lagula kacay Suxufiyiinta dalka ka hawl-gala sanadkii ugu dambeeyay oo Warbixin Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) soo saaray lagu soo bandhigay.
Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka hadlayay Xaflad Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP abaal marino ku guddoonsiisay Suxufiyiin ku guulaystay Tartan loo qabtay Saxaafadda Somaliland, ayaa sheegay inaanay jirin haba yaraatee Tacadiyo loo geystay Suxufiyiinta.
Ururka SOLJA, ayaa warbixinta sanadkan ku soo bandhigay wariyeyaal tiro badan oo loo geystay Gabood-falo kala duwan oo isugu jira xadhig, Jirdil iyo Handidaad kale, taasoo uu ku jiro Kiiska Wargeyska Hubaal ee ilaa hada cilinkiisa la saari waayay, xadhiga wariyeyaal waddar loo xidhay iyo xad-gudubyo kale.
Hase ahaatee Wasiirka Warfaafinta Somaliland wuxuu warbixintan ku tilmaamay mid la buun-buuniyay, isagoo si cadho ka muuqato gaashaanka ugu dhuftay, dhaliilayna cidii soo diyaarisay, gaar ahaan Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta SOLJA oo uu ku eedeeyay diyaarinta warbixintan.
Munaasibadda Wasiir cukuse eedda iyo daadifeynta ka jeediyay, waxa fadhiyay xubno ka mida Madaxda UNDP, daneeyayaasha Xuquuqal Iinsaanka, Siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Dhawaaqa Wasiirka ayaa si weyn u bedelay jawiga Xafladda, isla markaana ay si weyn uga xumaadeen inta badan dadkii ka soo qayb-galay oo ay wariyeyaashu ku jiraan.
Halkan ka dhegeyso hadalka Wasiirku ku duray Warbixinta SOLJA:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Cukusemp3.mp3"][/audio]