Burco(GNA)-Wasiiru dawlaha Maaliyada Somaliland Cismaan C/laahi Saxardiid(Cadaani) iyo Maamulka Gobolka Togdheer iyo waxgaradka Gobolka Togdheer ayaa Maanta Kormeer ku soo maray Dugsiysa Sare ee Magaalada Burco.
Kormeerkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Ardayda looga wacyi galiyo dhibaatada ay leedahay qabyaaladda iyo kala qaybsanaantu.
Dugsiyadda ay masuuliyiintu booqdeen waxa ka mid ahaa Dugsiga Sare ee Sheikh Bashiir oo dhawr jeer fowdo ku dhex martay dhalinyaro ka soo kala jeedda Bulshada Magaalada wadda degen.
Wasiir u dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid oo ardayda dugsigaasi hadal u jeediyay ayaa dadka waayeelka ah ee Magaalada, gaar ahaan Odayaasha ku eedeeyay inay qayb ka yihiin qabyaalada iyo cunfiga bulshada la kala dhex dhigay.
''hadii aad ardayda Tihiin dhibaato ma wadaan waayo mag maydaan soo ururinjirin ee dhibaatada odayaal baa keenay ilaa iyaga wax laga qabtona dawo loo heli maayo,ka qudhunka fidmada iyo qabyaalada idiinla yimaadana ee wada ha difaacina ee naga tag dheha.
annaguna hadii aanu dawlada nahay kaa dadka qabyaalada ka wada mandheera ayaanu u samysanay,iskuuladiina hadii uu jiro macalin qabyaalada qayb ka ahi u dul qaadanmayno ee waanu idinka qabanaynaa.
keebaa og inuu idinku jiro madaxwaynihii,Baarlamaankii iyo wasiirkii barito? waayo anigu iskuulkan shiikh bashiir baan ka baxay oo reer Burcaan ahaa, waxaanan idinkula dardaarmayaa iska ilaalilaya ka fadqalalada ka wada magaaladiina”ayuu yidhi.
Badhasaabku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxmuud Yuusuf (Ubaxle) oo isna halkaas ka hadlay ayaa ardayda dugsiyada kula dardaarmay inay iska jiraan waxyaabaa qabyaaladu kowda ka tahay ee aan faa’iidada u lahayn.
Xildhibaan Mubaarig Yuusuf,Xildhibaan C/risaaq Janaale iyo waxgaradkale ayaa iyana wax laga Xumaado ku tilmaamay in dhalinyaradii wax baratay qabiil-qabiil isu disho, waxaanay ardayda ku waaniyeen inay ka waantoobaan ficillada kala qaybinaya.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office