Pages

Monday, February 17, 2014

Wasaaradda Ganacsiga oo Fursado Ganacsi shaacisay


anacsiga  55Hargeysa(GNA)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Md maxamed Sh Cumar Sh Xasan ayaa mar kale faahfaahin ka bixiyay fursadaha kala duwan ee dhinacyada maalgashiga ee dalka, kuwaasoo isugu jira heer caalami iyo heer Maxali ah. Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland ayaa dhawr jeer intii la kordhiyay soo bandhigtay qorsheyaasheeda siyaasaddeed, fursadaha banaan ee ay hayso iyo qawaaniinta loo marayo Maal-gashiga dalka. Maxamed Sheikh Cumar oo shalay Wakaaladda wararka ee SOLNA la hadlay, ayaa sheegay inay ugu yaraan qaybaha maalgashigu gaadhayaan sagaal qaybood oo kala ah:- Fursada maalgashiga Xoolaha, fursadda kalluumaysiga,fursadda wax soo saarka Beeraha, Fursadda maalgashiga tamarta iyo Kheyraadka Biyaha,fursadda kaabayaasha Dhaqaalaha, fursadadda hay’adaha lacagta, Fursadda dalxiiska iyo Aasaarta Qadiimiga ah, iyo fursadda Saliidda, Gaaska iyo Macaadinta kala duwan ee dalk. Md Maxamed Sh Cumar Xasan waxa uu tilmaamay in markii Waaxda maalgashiga ee wasaardda la asasay bishii Augost sanadkii 2013 loo dejiyey istiraatiijiyad muhiim ah oo ay kow ka tahay hirgelinta siyaasadda maalgashi ee dalka. Taasoo ay ka mid yihiin go’aaminta shirarka gudida sare ee maalgashiga, inay qabato codsiyada iyo qorshayaasha maalgashi qiimayn ka bacdina ay u gudbiso gudiga sare ee maalgashiga qaranka iyo inay isku soo dubbarido fursadaha maalgashiga ee jira, diiwaangelisana maalgashadayaasha, talooyina ka bixiso xeerarka maalgashi ee dalka JSL leeyahay iyo sharciyada kale ee caalamiga. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee waxa uu ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradiisa iyo Maareeyaha Dekedda Berbera socdaaladii ay dhowaan ku tageen dalalka dibadda, khaasatan qaaradda Afrika, kulamadaasoo qayb ka ahaa siyaasadda Maalgashi ee Wasaaradda.




 




Gobanimonews Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com