Monday, February 17, 2014

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Kormeer Shaqo Ku Yimid Magaalada Borama kana warbixiyay ujeedada safarkiisa Daawo


Borama(GNA) Waxa maanta magaalada borama ee xarunta gobolka awdal hawlo shaqo ku yimid taliyaha ciidanka asluubta Somaliland sareeye guuto maxamed xuseen faarax iyaga oo socdaalka taliyuhu uu salka ku hayey sidii uu go’aan lahaa xalada maxaabista ku xidhan jeelka borama iyo xalada ciidan asluubta ee magaalada borama.




Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland waxa uu kormeer ku soo maray jeelka dhexe ee magaalada borama iyaga oo markaasi salaam ka qaatay ciidanka asluubta ee ku sugan jeelka dhexe ee magaalada borama.




Taliyaha jeelka dhexe ee magaalada borama siciid xuseen caynaan ayaa taliyaha ku sooo dhawayey jeelka dhexe isaga oo uga waramay xalada maxaabista iyo waliba ciidanka asluubta.




Taliyaha ciidan asluubta Somaliland sareey guuto maxamed xuseen faarax oo halkaasi ugu danbeyntii ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay uu jeedada safarkiisa.




Intaasi ka dib ayaa waxa uu taliyaha ciidan asluubta Somaliland kormeer ku soo maray maxkamada racfaanka isaga oo markaasi kulan la qaatay gudoomiyaha racfaanka,xeer ilaaliyaha iyo gudoomiyaha maxkamada gobolka awdal.