Wasiirka Khaarajiga oo Safray Ingiriiska, saacado yar ka dib jawaabta xukuumadda iyo Doodda Hay’adaha amniga ee la xidhiidha digniinta amniga ee Uk. Akhri warbixin xasaasiya
Hargeysa(GNA)-Dawladda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay digniin dawladda Ingiriisku mawaadiniinteeda u dirtay Khamiistii todobaadkii hore, taasoo ay uga digtay inay u safraan dalka Somaaliya oo ay Somaliland ku jirto sababo amni daro awgood.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK, ayaa mar kale digniintaasi ku celisay wax yar sanad gudihii oo ahayd markii ugu dambeysay ee ay walaac ka muujiso amniga Gobolka oo dhan.
Uk ayaa sheegtay in Kooxaha xagjirka ah ee Somalia qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Danaha reer Galbeedka, iskuna diyaarinayaan weeraro qorshaysan, Somaliland iyo Somalia, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Xafiiska Arrimaha dibadda.
Digniintan ayaa siyaabo kala duwan looga arkay Gobollada Somaliland, dadkuna u arkaan mid la mida fariimo hore uga soo baxay London oo aan waxba ka bedelin nabad-gelyada dalka.
Xukuumadda
Wasiirka Warafaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa gaashaanka ku dhuftay digniinta ka soo yeedhay Boqortooyada Ingiriiska.
“Dawladda Ingiriiska iyo dawladaha kaleba waxaanu doonaynaa inaanu u caddayno annagu waxaanu joognaa dalkayagii oo xor ah oo nabad ah, nidaamkuna yahay kaa kala dambaynta ah, nidaamkaa uu sharcigu sareeyo uu yahay, dalkayagu maaha mid fowdo ka jirto.
Somaliland waa meeshaa ILAAHAY ka sakow uu qofka nabadgalyada ku nool yahay oo dawladnimana ka jirto”ayuu yidhi Cukuse.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray “Ingiriiska iyo dawladaha kale waxaanu ugu baaqaynaa in aanay xaqiiqda Somaliland ka jirta indhaha ka qarsan oo aanay barbar dhigin Soomaaliya”ayuu yidhi.
Bulshada Rayidka
Dhinaca kale, Saraakiil sar sare oo ka mida laamaha Amaanka Somaliland iyo xubno ka mida Bulshada Rayidka ah ayaa dhaliilay dhawaaqa dawladda Ingiriiska ka soo baxay.
“Waxaani maaha wax Somaliland iyo Somalia oo qudha ku kooban ee waa cabsi ay ka qabaan weeraro ka dhaca wadamo badan oo Bariga Afrika ah, waana wax iyagu ay dareensanyihiin, laakiinse Somaliland xaqiiqda hadaad doonayso waanagaa saddexda habeenimo lugaynayna ee amaan darada ay sheegayaan meeday”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda ee Geeska Afrika.
“London saacadda qudha waxa dhacaa Sanadkii kama dhacaan somaliland, markaa waxaan u arkaa dacaayad iyo walaac ay iska qaadeen”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Saraakiisha amaanka
Saraakiisha amaanka ayaa iyaguna dhinacooda arrinkan ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog, lana mida tii sanad ka hor ay ka bixiyeen raali gelinta.
“Digniintani waa mid la mida tii kal hore ee ay ka noqdeen”ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan laanta Sirdoonka Qaranka oo Gobanimonews la hadlay.
Waxaanu intaasi raaciyay saraalka oo magaciisa qariyay “ arrintaa dibaddu waa arrin iska sheekadoodii hore ah, wax cabsi ah iyo walaac nabad-gelyo oo jiraana ma jiraan, runta marka la sheego”ayuu yidhi.
Dareenka Bulshada oo ka sii jeeda Digniinta
Dadka reer Somaliland ayaan digniintan Uk dareen badan ka qabin hada, waxaanay kaga mashquulsanyihiin arrimahaas Muranka siyaasaddeed ee Maxaliga ah oo ah mawduuca ugu hadal heynta badan todobaadyadii ugu dambeeyay.
Argagixiso Hargeysa raga raadinayo
Laakiinse mid ka mida Wargeysyada madaxbanaan eek a soo baxa Caasimadda Hargeysa ayaa maanta daabacay warbixin sheegaysa in laamaha maanku daba socdaan rag looga shakisan yahay argagixiso oo dhuumasho kaga soo galay Barriga.
Ragaasi oo uu Wargeyska Foore tiradooda ku sheegay afar ayaa ka soo galay Hargeysa dhanka Gobollada Barriga, sida lagu sheegay Warbixinta.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Uk u baxay
Geesta kale, dhawr maalmood ka dib warbixinta Ingiriisku soo saaray, waxa booqasho ku tegaya dalkaasi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, kaasoo sida la sheegay gelinkii dambe ee Maanta ka dhoofay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa.
Ma cadda ujeedada rasmiga ah ee safarka wasiirku, hase ahaatee dadka arrimaha diblomaasiyadda taxliiliya ayaa sheegaya in booqashadiisa UK ay qayb ka tahay jawaab celinta Xukumadda Somaliland ka bixinayso digniinta dhanka amniga.
Ilo-wareedyo laga helay dawladda ayaa sheegaya inuu wasiir biixi UK kala hadli doono sababta dhalisay walaaca dawladdaha reer Galbeedku muujiyeen.
Digniinta Maraykanka
Digniinta dawladda Ingiriiska ayaa todobaad ka dambeysay mid kale oo ay dawladda Maraykanku ka bixisay Amaanka Geeska Afrika.
Hase ahaatee ka sekow Digniinaha soo baxaya, Somaliland ayaa ka mida Gobollada ka nabdoon dhaqdhaqaaqyada Kooxaha Xag-jirka ah ee Koonfurta iyo badhtamaha Somalia ka dagaalama.
Somaliland iyo Kooxaha Argagixisada ah
Inkasta oo ay jirto halis mar walba kaga iman karta Somaliland dhinaca Koonfurta Somalia oo ay dagaalyahanada Al-shabaab uga soo firxan karaan dhanka Gobollada waqooyiga, hadana ma muuqato ciidan iyo mid abaabulan oo ay ku leeyihiin.
Waxaase jira waddooyin badan oo Gobollada Bariga ay uga soo gudbi karaan Kooxaha jihaad doonka ah, kuwaasoo xataa hadii ay gudaha dalka soo galaan ay adagtahay inay fuliyaan weeraro argagixiso, inay muddo ku nastaan ama ku dhuuntaan mooyaane.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com