Monday, February 17, 2014

Somaliland: Guddoomiyeha Urur Afgarad oo Xukuumadda Eedeyn u jeediyay


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Ururka Wadaniga ah ee Afgarad Axmed  Maxamuud Cali (Axmed Shiine) ayaa Xukuumadda Somaliland ee hadda talada dalka haysa ku eedayey in aanay ka soo bixin waajibkii loo igmaday iyo balanqaadkii wakhtigii Ololaha ee ay Mucaraadka ahayd, waxa kale oo uu sheegay inay ku fashilintay Buugii Cakaarnaa ee soo bandhigeen, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu ay ku dhaqaaqday waxyaabo badan oo ay ku eedayn jireen Xukuumaddii wakhtigaas ee Xisbigii Udub.




Guddoomiyaha Ururka Wadaniga ah ee Afgarad Axmed Maxamuud Cali (Axmed Shiine) ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka taagan Golaha Wakiilada waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay faraha kala baxdo,




Guddoomiyaha Ururka Afgarad oo shalay Shir jaraa'iid qabtay ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Waxaan Maanta Shirkan jaraa'id u qabtay waxaan doonaya in aan ka hadlo xaalada guud ee Maanta uu dalka marayo, isla markaana uu ku sugan yahay, waxa xaqiiqo ah in Xukuumadda Maanta talada dalka haysa waxyaabo badan oo ay ku eedayn jirtay markii ay Xukuumadda Rayaale talada dalka haysa inay sidii si ka xun sameeysay, waxaana dhab ah oo Buugeedii Cagaarnaa ku qornaa "In Musuqmaasuqa la dagaalami doonto, in Xaqa Shaqaalaha ilaalin doonto, in Tahriibka Dhalinyarada dabar jari doonto, in hanaanka dawladnimo dhisi doonto, in Hantida guud ee Umadda ilaalin doonto, in Dekada Berbera iyo Hamaaha Wasaarado hoos geeyn doonto, in Xaqa Saxaafada ilaalin doonto" balse waxa aan la dafiri karin oo aynu aragna isla markana indhaha ka qarsan karin in Hantii danta guud ama hantidii umadda sida Hindiyaha Laynkii ee Rayaale lagu eedayey inuu iibsaday in Maanta dhul iska daayey in Baddihii laga iibiyey Shirkado aan la aqoonin halka ay ka jiraan, waxa aan indhaha laga qarsan karin in xadhigii iyo cabudhintii Saxaafadu shan jeer ka badan tahay siddeedii sano ee uu Rayaale dalka haystay, waxa dhab ah in aanu jirin heshiis qudha oo lala galo Shirkadaha Caalamiga ah in la soo mariyo Baarlamaanka. taas oo haddii la soo marin lahaa waxyaabo badani fashilmi lahayeen, waxa jira in Biyo la'aan baahsani dalka ka jirto".




Guddoomiyaha Afgarad isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Golaha Wakiiladu wakhtigii Xukuumaddii Rayaale, waa kuwii mar walba u hiilin jiray Axsaabta Mucaaradka, gaar ahaan Xisbiga maanta talada dalka haya ee Kulmiye, taas oo mar walba maslaxadooda uu ka talan jiray,iyada oo xitta dad ku dhinteen, Maanta markii ay Golihii Wakiiladu markii ay si wanaagsan oo daacadnimo ku jirto u shaqeeyey oo uu is yidhi madaama sanad qudhi idiin hadhay si wanaagsan u shaqeeya ayaa waxa timid in Xildhibaanadii qaar ka mid ah la adeegsaday, iyada oo walibaana lacagtii Umadda ee lagu talagalay Waddooyinka loo adeegsaday, oo Xilidhbaankii damiirka lahaa ee mabda iyo daacadnimada ku taagna fikirkiisa uu qudha ku taagnam kii kale ee isna  bilaa mawqif ah la duufsaday, marka waxaan ugu baaqaya Xukuumadda inay faraha kala baxdo hawlaha   Golaha Wakiiladam balse waxaan iyana amaan balaadhan u soo jeedinaya Golaha Guurtida oo iyagu mar walba wanaaga ka taliya".




Guddoomiyaha Ururka Wadaniga ah ee Afgarad Axmed  Maxamuud Cali (Axmed Shiine)  mar uu ka hadlaayey Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu yidhi "Waxa dhab ah in Madaxweyne ku xigeenka markii loo dooranayey Musharax Madaxweyne ku xigeenka ee XIsbiga Kulmiye in Xisbigii laba garab u kala jabay, iyada oo aan lagu colaadinayey qabiil iyo aqoon toona, balse waa ayaan daro in isaga oo Dastuurku awoodo dheerad ah siiyey in Dad aan ka qajilayo in aan Magacyadooda sheego inay awood aanay lahayn oo la magacaabay oo aan Dastuurku awood siinayn meelna kaga qornayn inay awood isticmaalaan, halka uu isagu Madaxtooyada iska dhex taagan yahay, aadna waxaan uga xumahay marxalada uu maanta dalku marayo, marka waxaan soo jeedin lahaa in aan sidaas dalka ku eegan ee waa in xal la keena".