Thursday, February 20, 2014

Somaliland: Dhagax-tuurkii UFFO iyo Dhagax-dhiga Maanta ee Siilaanyo


Madaxweyne Siilaanyo oo 20 Feberaury ee Maalinta Dhagax tuurkii UFFO waji kale  u bedelay..




Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa oo Khamiis ah  hawlo shaqo ugu baxay meelo ka mid ah caasimada Hargeysa.




 



siilaanyo 5



20 Feberaury oo ku beegan Maanta ayaa ahayd maalintii dhagax tuurka iyo Diidmada kala horyimaadeen Dhalinyaradii UFFO  Dawladdii Siyaadd Barre, taasoo xus balaadhan loo sameyn jiray sanad kasta hase ahaatee maanta Xafladayn madaxtooyada somaliland ku bedeshay.




Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay sidii loo bartay hareero gelbinayaan Koox Wasiiradda ah oo  Xukuumadiisa ka tirsan iyo Ciidamo tiro badan ayaa xadhiga ka jaray Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,  Sanduuqa horumarinta dhaliyarada Somaliland, isaga oo sanduuqaasi ugu deeqay kuna Riday 100,000 oo Dollar.




Sidoo kale waxa uu dhagax dhigay Dhisme Daladda Dhalinyarada ee SONYO looga dhisay xaruntii hore ee Wasaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.




Waxa kale oo uu booqday Xafiiska Wasaaradda Hawla-guud iyo Guriyeynta , isagoo halkaasi ku soo kormeeray Qalabka loogu talo-galay Waddooyinka, gaar ahaan waddada ceerigaabo oo shalay dalka soo gaadhay.




Mashaariicdan ayaa u muuqda kuwo lagu bedelay xuska dhagax-tuurkii UFFO, “Dhagax-dhiga Dhagax Tuurkii UFFO”. Siilaanyo4 Siilaanyo6 Siilaanyoi3




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com