Pages

Tuesday, February 18, 2014

Somalia: Askar laga Eryay Ciidanka Dawladda oo Al-shabaab ku biiray


Muqdisho(GNA)-Sarkaal sare oo ka tirsanaa ilaa afar Kun oo Askari oo dhawaan Ciidamada Xooga Dalka laga rusqeeyay ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mida ciidankii la eryay Xoogaga Al-shabaab ku biireen.




Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ayaa dhawaan Askat badan oo shaqo gudasho la’aan lagu eedeeyay Eryay.




Gaashaanle Dhexe Geelle Faarax, oo kamid ah Saraakiisha laga saaray Ciidanka Dowlaadda Soomaaliya, ayaa Warbaahinta u sheegay in tiro ka mida Askartaasi Dagaalyahanada Shabaabka ku biireen, si ay qayb uga noqdaan.




 “sidaad la socoto afar  afar Kun oo Askaribaa la rusqeeyay, ciidankaasi al-shabaab ayuu u go’ay oo uu aaday, hab siyaasaddeedbaana la yiraahdaa, xeelad dagaalbaa la yiraahdaa, waanay banaantahay oo kataaliga Ciidanka Milateriga ayay ku taalaa”.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda federaalka ah iyo Milateriga Xooga dalka oo la xidhiidha jiritaanka arrintan iyo mawqifkooda ku aadan, balse sarkaalka hadlay ayaa intaasi ku daray in talaabadan ku keliftay askarta si ay noloshooda u deberaan.




Wuxuu sheegay inay askartu ku kici karaan tuugo iyo falal kale oo bulshada ka dhan ah “Waan ogahay anigu afar kun oo askari oo la yiri iska taga waxay samaynayaan, haday wax kale samayn waayaan dadka ayay Habeenkii Mobile-da ka guranayaan  ileen waxa la yiri Nin baahan bakhtigaa u xalaalee”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Arrintan ayaa hadii ay caddaato dhabar jab ku ah qorshaha sugida amniga dalka, isla markaana guul weyn u ah Kooxda Al-shabaab.




Waxa kale oo arrintani caddeyn u noqonaysaa hadal hayn beryihii u dambeeyay soo baxaysay oo sheegaysa in hub tiro badan oo Ciidamada xooga dalka Somalia loogu talo galay gacanta u galay Al-shabaab.




Kooxda Kormeerka Cuno-qabateynta Hubka Somalia ayaa isha ku haysa habka loo maamulo Hubka gacanta Ciidanka Dawladda gala.




Balse dawladda ayaa Masuuliyad daro ay ku keenaysaa askarta hubka suuqa la galay, iyadoo shaqada laga caydhiyay.




Todoba Boqol ayaa la sheegay inay gaadhayaan Askarta ku biiray Al-shabaab , balse wali arintaasi xaqiiqdeedu ma cadda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com