Pages

Thursday, February 20, 2014

Shiine Af-garad: Xukuumaddu $ 800.000 oo Dollar ayay ku bixisay in Cirro la rido".


Bulshada oo laba waji ka eegaysa Heshiiska Garabyada Wakiillada ee Xukuumadda iyo Xisbiyaddu la kala safnaayeen"Akhri oo dhegeyso Taxane aanu ku lafa gurayno saameynta heshiiska Baarlamanka.. 




Hargeysa(GNA)-Bulshada Reer Somaliland ayaa dareeno kala duwan ka bixiyay Heshiiska shalay lagu soo afjaray Khilaafka Golaha Wakiilladda Somaliland.




 Guddoomiyaha Ururka Afgarad Shiine Af-garad oo ka mida dadka Siyaasadda ka faalooda, isla markaana taxliiqa ka bixiya ayaa  ka waramay waxyaabo badan oo sabab u ahaa khilaafkaasi iyo rejada laga fili karo iminka.




Shiine ayaa si cad u sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lacag adag u isticmaashay hurinta Khilaafkaasi iyo inay ka takhalusto Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, laakiinse taasi ka fashilantay.




waxa uu sheegay in isfahamka la gaadhay dan u ahaa Qaranka, balse aanu keenayn wax cusub oo laga fili karo  Golaha wakiillada "Heshiiskani Qaranka ayuu dan u ahaa laakiinse wax cusub iyo waxqabad wakiillada laga filo ma soo kordhinayo, sababtoo ay tahay Golaha wakiilladu iminka waxay noqdeen ku shubo, wax shaqo ah uma diyaar aha inay mashaariic iyo lacag eryadaan mooyaane"ayuu u sheegay Gobanimonews.




Waxaanu intaasi ku daray "Wasiirrada Xukuumadda ee xusul duubka ugu jiray inay Guddoomiyaha ridaan lacag ilaa sideed boqol oo kun oo doolar gaadhaysa ayaa kaga baxay khilaafka, isagana lacag ilaa laba boqol ah, markaa waxaad moodaa in labada dhinacba khasaare ka soo gaadhay".




Shiine Af-garad ayaa sheegay in dhinac marka laga eego Heshiiskani dabrayo isla xisaabtankii Xukuumadda iyo  xeer-dejinta, hadana marka Maslaxadda guud la eego uu dan qaran badbaado u noqonayo "Golaha wakiillada dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay ayuunbaa la moodayay inay mucaarid yara noqdeen, tiina iminka heshiiskan cusub ee la gaadhay wuxuu saameynayaa"ayuu hadalkiisa raaciyay.




Odorosyahan Shiine, ayaa tilmaamay in guddi baadhis ku samaysa xudunta Khilaafkii shalay la soo afjaray la saaray, kuwaasoo la filayo inay badka soo dhigaan halka sartu ka qudhuntay iyo cidda xaalad abuurka samaysay "Somaliland gacmo badan oo shisheeye ayaa ku jira, iminka Guddibaa la saaray baadhis ku soo samaysa waxa dhaliyay Khilaafka fogaaday, guddidaasi oo ah dad aqoonyahano waxaa laga rejaynayaa inay natiijo wanaagsan soo saaraan" .




ShiinessHalkan ka dhegeyso Waraysi Dheer:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Shiinegarad2.mp3"][/audio]




khilaafka aqalka hoose ee Baarlamanka Somaliland ayaa intii uu socday saameyn balaadhan ku yeeshay geedi socodka siyaasaddeed iyo wada shaqaynta Dawladda dalka.




Bulshada ayaa badankeedu soo dhaweysay go'aankii shalay ka soo baxay dhexdhexaadinta Golaha Guurtidu ka gashay.




Laakiinse ma cadda saameynta uu dhinaca kala madaxbanaanshiyaha Hay'adaha Dastuuriga ah ku yeelan doono Mustaqbalka, xili ay isaga soo wada gaadhayaan Doorashooyin badan oo kuwa madaxweynaha iyo Baarlamanku ku jiraan.




Dadka Saadaashada ka bixiya arrimaha Siyaasadduna waxay sheegayaan in wada shaqayn kasta oo dhex marta labada dhinac ee Khilaafku ka dhexeeyay waa xukuumadda oo dhinac la safnayd  garabyada  Goluhu u kala jabaye iyo Baarlamanku meesha saarayo danaha umadda iyo in Doorashooyin wakhtigoodii qabsooma la qabto.




Intaas waxa dheer sida la sheegayo isla xisaabtankii iyo dabaqaadii Dastuurka oo meesha ka baxaysa, iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo intii ay waddanka hogaaminaysay ay baal marida shuruucda iyo Dastuurku noqotay wax iska caadi ah oo aan cid wax iska waydiisaa jirin.