Monday, February 17, 2014

Saraar: Wacyi-gelin Diini ah oo lagula tacaalayo qabyaaladda iyo amni daradda


Caynabo(GNA)-Guddida wanaag Farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa Olole wacyi gelin iyo Baraarujin ah ka fuliyay deegaamada gobolka Saraar.




Guddida ayaa Bulshada ka wacyi-geliyay qabyaalada iyo waxyaabaha kale ee caqiidada iyo nabad-gelyada ka hor imanaya,waxaanay u soo jeediyeen inay iska ilaaliyaan wax kasta oo fidno iyo dhibaato ku ah keenaya.




Wacyi-gelinta oo laga fuliyay inta badan deegaamada Gobolka hoos yimaada, sida Oog. Wadaamo-goo, Caynabo iyo deegaamo kale, waxa gacan ka geysanayay Maamulka Degmada Caynaba iyo Gobolka Saraar.




Guddoomiyaha Guddidan ee Gobolka Sheikh Ibraahim Salaad Jaamac oo ka hadlay kulamada ay bulshada ku wacyi-gelinayeen, ayaa sheegay inay arrinta uga dan leeyihiin si dadka looga suuliyo qabyaalada iyo  waxyaabaha kale ee fawaaxishka ah.




Sheikha ayaa Mujtamaca ku dhaqan  Gobolka Saraar u soo jeediyay Illaahay ka baqaan, isla markaana dhexdooda iska waaniyaan xumaanta iyo fidnada.




Geesta kale, xubno ka mida Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka  oo u hadlay Bulshada halkaasi ku dhaqan ayaa si weyn u soo dhaweeyay Barmaamujyada wacyi-gelinta Diiniga ah ee Guddida wanaag-farista iyo Xumaan reebistu ka fulisay Gobolka.




Waxgaradka ayaa intaasi ku daray inay la shaqaynayaan Guddida iyo Xafiiska Wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee Gobolka, iyagoo geesta kalena Bulshada u soo jeediyay inay ka iska dhaafaan waxyaabaha laga wacdiyay, kana shaqeeyaan wanaaga iyo horumarka Gobolka.




Gobolka Saraar, ayaa waxa  sanadkii hore iyo Bishii January ee sanadka  ka dhacay dilal soo noqnoqday  oo saameyn ku yeeshay Amaanka Gobolka.




Dilalkaasi waxa u dambeeyay mid bishii January ka dhacay degmada Oog oo lagu dilay Nin Ganacsade ah, kaasoo laba todobaad ka hor la soo qabtay Gacan ku dhiiglihii dilay.




Wacyi-gelinta dhinaca Diinta ee laga fuliyay ayaa la filayaa inay wax badan ka tarto dhibaatooyinka amniga Gobolka saameeyay.




Gobanimonews




Caynabo Office




Email: editor@gobanimonews.com