Pages

Saturday, February 15, 2014

Q.M oo laga dalbaday in Cuno-qabateynta Hubka Somalia sideedii lagu soo celiyo


Newyork(GNA) Golaha amaanka ayaa laga dalbay in sideedii lagu soo celiyo cuno-qabateynta Hubka Somalia.




Golaha amaanka Q.M aya sanadkii hore Khafiifiyay Cuno-qabateynta Hubka Somalia, taasoo dawladda u saamaxday inay hub ka soo iibsato dibadda.




Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eratria ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka in si buuxda loogu soo rogay Soomaaliya cunnoi-qabateynta, iyagoo daliilshanaya inay  soo shaac baxday in dowladda Somalia ay hub kala duwan ka iibisay Al-shabaab.




Guddiga ayaa soo bandhigay dhowr hab oo lagu xakamayn karo hubka galaya Soomaaliya ee ku dhacaya gacmaha qaldan ee nabad-gelyada halista ku ah.




Dhawaan ayay ahayd markii guddiga dabagalka cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eratria ay ku eedeeyeen dowladda Xasan Sheekh Maxmuud in hubka ay kasoo gadato dalalka Caalamka ay gacanta u galiso xarakada Al-shabaab, qaarna ku iibiso suuqyada Muqdisho.




Golaha Ammaanka ayaa cunno-qabateynta hubka kusoo rogtay Soomaaliya sannadii 1992-kii si loo joojiyo hubka faraha badan ee galayay Soomaaliya, kuwaasoo gacanta u galayay beelo dagaalamaya.




Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay inaanay wali dawladdiisu helin kaalmo hub oo caalamka uga yimi, hase ahaatee ay qadar kooban ku soo iibsadeen lacagta dawladdu soo xareyso.




“wali maanu helin Kaalmo lacag ah oo aanu hub ku soo iibsano, laakiin waxa yar ee aanu helno ayaanu ku soo iibsanay hubka aanu ciidamada cusub ee dawladda ku qalabaynayno”ayuu u sheegay Xasan Sheik Maxamuud VOA-da.




Ma cadda go’aanka uu qaadan doono Golaha amaanku, hase ahaatee arrintan ayaa caqabad ku noqonaysa isbedel kasta oo laga filayay dawladda Somalia inay ku hanato amaanka dalka.




Iyadoo hoos u dhigaysa kalsoonidii shacbigu ku qabay , isla markaana kashifaysa siyaasadda ay ku faanaan Madaxda ugu saraysa Dawladdu ee ah inay dalka ka saarayaan alshabaab.




Gobanimonews




Muqdisho Office