wuxuu ahaa doob, iyana gashaanti wakhti hore ayaa isugu dambeysay, dabadeed waa la kulmay, lays waraystay oo uu ku yidhi oo awal caruur imisaad u dhashay ninkii ku guursaday. ku te laba iyo mid aan dhalan wali...!!!
su ku celiyay oo Ninkii ma joogaa mise dalka wuuu ka maqanyahay
say tidhi mayee ciidankuu ahaa oo berigii dhaweyd ee dagaalku dhacay ayuu dhintay, kuye oo iminka markaa caruurtii maadigaa haysta, miyaanu rag la dhalan, show hunguri hore oo wakhtigii isugu dambeysay ahaa ayaa ku soo laba kacleeyay ....
say tidhi maya keligii ayuu ahaa, markaa nin kalena maan guursan oo caruurta iska hayso ayaan is idhi ... suu dib u xasuustay hadalkii hore ee ahaaa qofka aan dhalan, isuna qaban waayeen hadalkaas iyo muuqaalka gabadha oo aan waxba iska bedelin...
halkaa laysuma dhaafine, maalin kale ayuu gabadhii soo raadiyay si uu arinteeda ugu soo dhabo gale, dabadeed markuu arkay ayuu yidhi manta waxaan doonayaa inaan gurigaaga fadhiisto...(muraad), ku te goglan, laakiinse ha il duufin, hana doodin, hana diidin darmada.....
markaasuu wax fahmay, ninkii oo uu ogaaday inaanay guri ay leedahay fadhiisiinayn ee uu gurigooda imanayo hadii uu ku sii adkaysto arinka uu dalbaday.
markii ay Jawaabtaa siisay, ayuu Uurka ka farxay, isagoo wali isweydiinaya warkii ay gabadhu siisay maalmo ka hor ee ahaa inay Oday yeelatay, ubadna u dhashay. taasoo hadii uu markaa badheedhihiisa caddeysto uu ka warwar qabo inay xaqiiqadu hortimaado oo uu gabadhan caruurta agoonta ah sheegatay guursado. la kala teg dharaartaana, dabadeed dhinac kale ayuu ka soo wareegay, waxaanu isticmaalay xeelad uu wax walba ku ogaan karo, taasoo ah inuu raadiyo qof ay gabadhan ehel ahaan isugu dhowyihiin, laakiinse ragii deegaanka qof runta u sheega wuu ka waayay, waxaanay dantu baday inuu Dumarka waydiiyo, hadii kale uu arinteeda laabta ka saaro ama uu sidaa damaciisa ku sheegto. raga qaarkii way ku adagtahay inuu Gabadh uu jecelyahay ka waraysto filkeed,marka laga yimaado kuwa qoyskooda ka mida oo aanu markaa isagu helin. laakiinse isagu wuxuu ku dan seegay oo uu maalmo hawlihiisa kale uga baaqsaday la kulanka Hablo badan oo aan damac ka madhnayn dhankiisa ah. Ganshaantimo badan oo yaqaanay Gabadha Doobka Cishqi waayo hore jiray ku soo kicisay, ayaa warar iskhilaafsan u sheegay, iyadoo mid waliba sheekadda ugu soo goysa "waar taa maxaa kaa galay, kii horeba isagoo aan laba sano qabin ayuu la guursadaye"
wuxuu Bulle gaaf-wareegoo uu gabadhii warkeeda raadiyaba habeenkii dambe ayuu ka qayb-galay Aroos magaalada ka dhacay, kaasoo ay akhyaar badani isugu timi, sida dhaqanku ahaana berigii hore aroosyada Haweenka waaweyni inta badan kamay qayb-geli jirin, hadii kale ciyaarta kumay dheereyn jirin.... dabadeed arag oo isha la raac raac, hadaba hawshay qabanayso iyo asxaabta la socota, waxaase xumad iyo xanuun ku dhashay, markii uu arkay iyadoo Wiil ka mida dadkii arooska ka qayb-galay uu Haasaawe gudaha gaafka kula bilaabay.....
Habeenkaas maroora dilaac ayuu la galbaday iyo calol xumo... Doobkii damucu galay ugu danbayntii wuxuu so helay wuxuu gaaf waregaba in gabadha aysan aheeyn xaas oo aan la qabin caruurna dhalin sidaas ayuu doobkii ku nafisay oo damicisii u soo bandhigay gabadhii.
By: Akhyaarta Boga xidhiidhka Bulshada ee FACEBOOK.. (Ilhaan Xasan Cali)..