Hargeysa(GNA)Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu lacago guddoonsiinayo ruuxii soo sheega meel hubka ay dhigataan xoogagga Al-shabaab ee Muqdisho ku sugan inay siinayaan lacag abaalmarin ah.

Tarsan ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay degmada Wadajir, isagoo shacabka Muqdihso ugu baaqay inay ka qayb-qaataan sugidda amniga guud ee magaalada Muqdisho.
“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu ballan-qaadayaa in la siin doono ruuxii soo sheega meel ay gabbaad ka dhigtaan xubnaha Al-shabaab ama hubka ay ku qarsadaan,” ayuu yiri Tarsan, isagoo sheegay in 20,000 oo doollarka Mareykanka ah ay u qoondeeyeen dadka xogaha Al-shabaab ku saabsan soo sheega.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sii hadlaya ayaa sheegay in qof walba ay siin doonaan qadar lacageed oo la mid ah xogta uu keenaan, isagoo sidoo kale sheegay ruuxa soo gudbinaya xogta laga rabo caddeymo buuxa.
“Al-shabaab iyo kuwa nabadgalyo-darrada kawada Muqdisho waa isugu keen mid, mana jirto cid noo roon, waayo ammaanka ayay qalqal-geliyeen,” ayuu yiri duqa Muqdisho.
Gobanimonews-Desk
Hargeysa/Somaliland