Lionel Messi ayaa doonaya inuu caawa soo afjaro abaarta dhanka goolasha ah ee ka heysata inuu gool kusoo dhaliyo Dalka England Kulamada Champions League marka laga reebo in xidigaan heerka caalami uu finalkii 2011 gool kaga dhaliyay Wembley kooxda Man United hadana sheekada kuma socoto Finalka tartanka ee waxey ujeedadu tahay kulamada laba dhinac ciyaarka ah ee Champions League.
Si Kastaba Lionel Messi ayaa Arsenal ka hortagay laba jeer, halka Chelsea uu ka hortagay iyana Afar jeer waxaase uu min hal jeer ka hortagay kooxaha Man United iyo Liverpool dhamaan kulamadaas kuma uusan guuleysan inuu gool kaga soo dhaliyo kooxahaas marka ay joogaan gurigooda England.
Lionel Messi iyo Kulamada Uu Kooxaha England Kula Ciyaaray Dalka England:
2006: Wareega 16 – Chelsea 1-2 W
2006: Wareega Groupyada – Chelsea 1-0 L
2007: Wareega 16 – Liverpool 0-1 W
2008: Quater Final – Man Utd 1-0 L
2009: Semi Final – Chelsea 1-1 D
2010: Quater Final – Arsenal 2-2 D
2011: Wareega 16 – Arsenal 2-1 L
2012: Semi FinalF – Chelsea 1-0 L
Si Kastaba Lionel Messi ayaa caawa Man City kula ciyaari doona gurigooda Etihad Stadium taasoo ka dhigan inuu jaanis u heysto inuu soo afjaro rikoorkaaas.