London(GNA)-Shil gaari ayaa Saakay ka Dhacay Bartamaha Magaalada London ee Dalka Ingriiska.
Shilkaas ayaa waxa ku Geeriyooday Laba Qof oo mid kamid ah tahay haweeney Wadi Jirtay Gawaarida loo yaqaan Tagsga,taasoo ka dhax Shaqeynaysa Magaalada London ee Dalkaasi ingriiska.
Shilkan ayaa sababtiisa lagu sheegay cimiladda dalka Ingiriiska oo maalmahan xumayd , baraf xoogan iyo dabaylo ka dayay.
Haweenayda Geeriyootay ayaa Lagu Magacaabi Jiray Julie Sillitoe Waxayna kasoo Jeedaa Deegaanka Waqooyiga London ee Magaaalada London Waxaana Da,dayda Lagu Sheegay 49 Jir Ahna Dawaralada Gawaarigada Loo Yaqaan Taksiga .
Dhinaca kale, laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Magaalada London ilaa jimcihii la soo dhaafay, kuwaasoo waxyeelo ka soo gaadhay Barafka ka da’aya dalkaasi.
Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in labada qof oo mid ka mid ahi Oday da’a ahaa ayaa dhintay jimcihii doraad.
Barafka iyo Dabeylaha xoogan ee dalkaasi ka da’ayay maalmihii la soo dhaafay ayaa wali ku sii fidaya dalal kale oo Yurub ah.
Haweenay Somaali ah oo degen Magaalada London ayaa Gobanimonews u sheegtay inay aad u dareemeen qabow iyo dhaxan aan caadi ahayn, isla markaana cabsi badani jirto.
Ingiriiska ayaa ka mida dalalka Yurub ee isbedelka Cimiladu mushkilladda ugu badan ku hayo.