Sunday, February 16, 2014

Jidhdil Xun Oo Loo Geystay Wariyaal Ku Xidhan Magaalada Muqdisho


Muqdisho (GNA) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xabsiga ku heysay muddo seddex maalmood ah Agaasimeyaal Idaacado ku yaalla magaalada Muqdisho oo gaadhaya labo Agaasime oo kala ah Maxamed Fiyoore iyo Ibraahim Yare.




unnamed




 




 




 




 




Idaacadaha Danan iyo Haatuf oo ay agaasimeyaal ka yihiin ayaa si toos ah weli hawada ugu jira.




Agaasimeyaashan ayaa maalintii shalay dib u helay xoriyaddooda waxaana ilaa hadda aan cadeyn sababta dhabta ah oo dowladda ay u xirtay.




Waxaa la sheegay inay u xiraaneey nabad sugidda dowladda iyadoo mar ay warbaahinta la hadleen sheegeen in tacaddiyo loo geystay muddadii ay xirnaayeen.




unnamed (1)




 




 




 




 




 




 




 




 




Ilaa hadda Ibraahim Yare ma uusan hadlin mana sheegin in tacaddi loo geystay iyo in kale.




Agaasimaha Idaacadda Danan Maxamed Fiyoore ayaa sheegay inuu ka dambeeyay xariggiisa wariye C/casiis Afrika oo ka howlgala warbaahinta Afka dowladda ku hadasha.




 




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/somaliland