Pages

Sunday, February 16, 2014

Hal Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo MaantaGalinkii hore ku Dhacay Jidka U Dhexeeya Berbera Iyo Hargeysa


Hargeysa (GNA) Alle ha u naxariistee hal qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo maanta galinkii hore ka dhacay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa Iyo Berbera.




Shil-Baabuur




 




 




 




Gaadhiga shilka galay oo ahaa Xaajiyad ka baxday Magaalada Hargeysa isla-markaana ku sii jeeday Magaalada Berbera, ayaa waxa ku dhintay Marxuum la odhan jiray Cabdi Beero, kaasi oo ka mid ahaa dadka dekedda ka soo saara alaabooyinka, sida gaadiidka.




 




Gaadhiga ayaa la sheegay inuu si iskii ah u qalibmay, inkasta oo Wadihii gaadhiga iyo qof kale oo gaadhiga la socday aanay waxba noqonin, balse Cabdi Beero oo ahaa qofka saddexaad ee gaadhiga la socday ayaa geeriyooday markii gaadhigu dhacay.




Jidka u dhexeeya Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, ayaa lagu sameeyay dayactir aad ah, waxaana gaadiidku ku maraan xawaare aad u sareeya, kaasi oo inta sabab u ah shilalka gaadiidka ee khasaaraha badan keenaya




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaliland