Garowe{GNA}Golaha wasiirada dowladda Puntland ayaa maanta yeeshay shirkoodii Isniin laha ahaa oo arrimo badan looga hadlay, madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa gudoominayey, waxaana fadhiyey madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar
Kulanka ayaa lagu lafa-guray arrimaha amniga, Xeerka Xamuulka , Gaadiidka dowladda iyo hagaajinta wadada Sunijif oo go’aday xiligii roobabkii duufaanta watay.
Agaasimaha guud ee madaxtooyada Dr. Deeq Sulaymaan Yuusuf ayaa saxaafada la hadlay shirka golaha wasiirada ee maanta kadib, isagoo faahfaahin ka bixiyey natiijada shirka maanta dhacay.
Wuxuu sheegay in si wayn looga dooday amniga, wasiirka amniga ee Puntland Xasan Aloore ayaa laga dhegaystay war-bixin dheer oo amniga la xiriira iyo ololaha ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda koonfurta dalka.
Dowladda ayaa u diyaar garoobaysa in laga hortago khatarta Puntland kaga iman karta duulaanka ka dhanka ah kooxda, Agaasimaha ayaa sheegay in dadweynaha laga dalbaday in ay dowlada kala shaqeeyaan ka hortaga khataraha amniga.
Goluhu wuxuu isla meel dhigay qodob uu horey u soo jeediyey madaxweynaha Puntland oo ahaa in la diiwaan geliyo hantida gaarka ee uu leeyahay masuulka dowladeed si ay qayb uga noqoto la-dagaalanka musuq-maasuqa.
Xeerka xamuulka ee wadooyinka ayaa lagu soo bandhigay shirka golaha wasiirada, xukuumada ayaana ka dooday xeerkaas iyo hir-gelintiisa.
Ugu danbeyntii, Agaasimaha guud waxaa uu sheegay in wafdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland ay maalinta beri ah u bixi doonaan dhanka degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal, halkaasi oo qoysaskii duufaantu wax yeeshay loogu qaybin doono mucaawino ka timid dalka Turkiga.
Gobanimo news.com