Pages

Monday, February 17, 2014

Dowladda iyo Baarlamanku waa dab iyo baaruud hadan distoorku noqon dow


Dowlada iyo Baarlamanku waa dab iyo baaruud hadan distoorkeenu noqon dow mid kala siiya danab iyo hilaacbay noqon dila sokeeyaha, u damqada u diirnaxa dadkoo raaca danahooda nina duubkii looxidhay shacbiga yaanu ugu doobin, hana kala dareerina dooda indinkoon ku heshiinin.




Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa khilaafka soo kala dhexgalay baarlamaanka guduhiisa oo u kala saftay laba qaybood koox Gudoomiyaha la socota iyo koox kale oo labada Gudoomiye kuxigeen taageersan,




Kooxda dhinaca Gudoomiye Cirro taageersan waxay ku doodayaan inay xukuumadu faraha kula jirto arimaha barlamaanka oo ay haboontahay inay faraha kala baxdo, halka kooxda kale ee labada Gudoomiye kuxigeen taageersan ay ku doodayaan inuu Gudoomiyuhu taladii golaha afduubtey hadaba anigu gaar ahaan fikirkayga markaan ku cabiro arintan waxaan odhanlahaa labada dhinacba midna danta shacbiga ma eegayo ee wuxuu eegayaa dantiisa shaqsi ama kursi ama xisbi, hadaan soo qaato dhinaca dowlada marka hore, waxay intaa barlamaanka u qasaysaa waa si ay u hesho gudoomiye iyaga taabacsan oo waxkasta oo ay soo jeediyaanba ansixiya, qofkasta oo caqli lihi wuu arki karayaa inay dowlada Siilaanyo doonayso inay barlamaanka dhexmarsato muddo kordhin ama in Siilaanyo loo furo dastuurka si wax looga badalo qodobka u diidaya inuu mar sadexaad isasoo sharaxo taasi waa sababta ay dowladu u doonayso inay sii gogol xadhato oo ay hesho aqlabiyada barlamaanka iyo Gudoomiye ogol, hadii ninkastaba qodobka qabanaya ee dastuurka uu yidhaahdo hala iibadalo dee tastuurku wuxu noqonayaa mid aan ina kala hagin, tanina waxay noqondontaa sunne xun oo laga dhaxlo Dowlada Siilaanyo oo aan la iloobi doonin.




Dhinaca kale Gudoomiye Cirro markaad eegto wuxuu maanta nin adag u noqdey ee uu xukuumada meel iskaga xidhay maaha danta shacabka ee waa dantiisa gaar ahaaneed iyo xisbigiisa sababtoo ah isagu waa midka mida musharixiinta madaxweynaha doorashada soo  socota markaa wuxuu ka sii hortagayaa inay xukumadu sidaydoonka ka yeesho oo xilagay doonto ay doorashada qabato, balse tani maaha mid uu xiligan sharaf ku helayo sababtoo ah haduu nin sharaf doonaya oo adag yahay markii xeerarka la dhexmarsan jirey ee madaxtooyada laga xukumi jirey sidii uu wasiir yahay ayuu nin adag oo dariiqiisa yaqana wixii sharcidarra ahna diida noqonlahaa lakin maanta wuxuu wadaa waa dantiisa,




Hadaba waxaan kusoo gababaynayaa anigoo la hadlaya labadhinacba dadkaa idin doortay oo duubka idiin xidhay waxaa la idiin doortey maha inad danihiina ka horaysiisan danta shacabka, maaha inaad sharaf xummo shaqaysataan mudada yar ee aad madaxda-tihiin, sharaf dhaca maanta aad shaqaysataan mustaqbalka ciyaalkina ayuu u xunyahay oo dadka soo dhexgalimayaan, dalkuna shaqsiyaad danahooda gaarka ah wata u dumi maayo ee waxaad iska jirtaan inay dadku idinku kacaan oo gabi ahaanba la idinka takhaluso ceebna idinka raacdo. bal inta yaree mudadiina ka hadhey is hagaajiya oo ceebta iska jafa ayaan idin odhan lahaa.