Monday, February 17, 2014

Diyaarad Itoobiya leedahay oo la afduubay


afduubaDiyaarad_Geneva1Geneva{GNA Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka ee Itoobiya (Ethiopian Airlines) ayaa la sheegay in saaka la qafaashay xili ay kasoo duushay Airporka Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.




Diyaaradan ayaa lagu dajiyey Airporka Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana wakhti kooban la xiray gebi ahaan dhaq dhaqaaqii duulimaadka ee Airporka Geneva.




Warar goor dhaw soo baxaya ayaa sheegay in diyaaradan uu si lama filaan ah ulla wareegay kuxigeenkii Kabtankii (duuliyihii 2aad) diyaarada waday, kaasi oo la sheegay inuu ka faa’iideystay inuu la wareego diyaarada xili Kabtankii diyaarada ku jiray mushaqusha (suuliga) Diyaarada.




Kuxigeenka Kabtanka ayaa la sheegay inuu hoosta kasoo xirtay qorlka diyaarada laga wado kadibna diyaarada kasoo dejiyey airporka Geneva, isagoo kadib isu dhiibay ciidamada Airporka magaalada Geneva. Duuliyahan ayaa la sheegay inuu magangelyo weydiistay dowlada Switzerland




Gobanimo news.com