Pages

Friday, February 21, 2014

Dil ka dhacay G. Saraar iyo Eedeyn loo jeediyay Bilayska oo gaabis noqday.Dhegeyso


Caynabo: Xildhibaano Golaha Deegaanka ka mida oo Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato habacsanaanta Bilayska Gobolka oo ay ku dhaliileen Taliyaha qaybta, kana hadlay dil shalay dhacay..dhegeyso




vlcsnap-2014-02-20-22h15m29s54Gumburo-xangeeyo(GNA)-Qof shacab ah ayaa lagu dilay shalay Deegaan la yidhaahdo Gumburo Xangeeyo oo 180KM hilaadii dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Caynabo ee Gobolka Saraar, kaasoo uu qudha ka jaray Nin kale oo isla deegaankaasi ka soo jeedaa.




Lama oga sababta uu Ninkaasi u dilay marxuumka dhintay ,waxaanu dilku ka dhacay meel dibada ka ah Tuulada Gumburo Xangeeyo ee Degmada Ceelal.




Wararka ka imanaya halkaasi ayaa sheegaya in maanta la aasay Maydka Ninka la dilay, gacan ku dhiiglihiina baxsay, balse ay ku daba joogaan Ciidamo bilays ah oo halkaasi gaadhay.




Xildhibaano ka mida Golaha Deegaanka ee Degmadda Caynabo, Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Saraar, waxgarad iyo Ciidamo Bilays ah ayaa maanta gaadhay deegaanka dilku ka dhacay, si looga hortago iska hor-imaad bulsho.




Kuwaasoo la sheegay inay guddo galeen dejinta xaalada nabad-gelyo ee deegaanka, isla markaana kulamo la yeesheen Deegaanka uu ka soo jeeday Ninka la dilay.




Dilkan ayaa qayb ka noqonaya dilal soo noqnoqday oo ilaa sanadkii hore ka dhacayay Gobolka Saraar, iyadoo bishii January ee sanadkan uu ka dhacay dil kale oo noocan ahi.




Arrintan ayaa Maamulka Degmada iyo ka gobolka ku sababeeyeen Taliska qaybta Bilayska ee Gobolka oo aan u firin-fircoonayn iyo Ciidanka Bilayska oo aad tiradoodu u yartahay.




Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka mida Golaha Deegaanka ee Degmada Caynaba ayaa Gobanimonews uga waramay xaaladda deegaanka dilku ka dhacay iyo sababta ka dambeysay amaan darada Gobolka.




Xildhibaan Abyan oo Khadka Taleefoonka ee Caynabo noogu waramay ayaa sheegay in Ciidanka amnigu aad ugu yaryahay Gobolka, dhaliilayaana Taliyaha qaybta oo aan masuuliyad iska saarin adkeynta nabad-gelyada.




Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ugu baaqay in wax laga qabto habacsanaanta Taliska Ciidanka, lana kordhiyo Ciidanka ka hawl-gala Gobolka.




Halkan ka dhegeyso Waraysiga Xildhibaanka:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Dil-mp3.mp3"][/audio]