Tuesday, February 18, 2014

Daawo: Telefishanka CNNTV qadiyadda Somaliland ka waraystay Wasiirk arr. Dibadda


London(GNA)-Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Maxamed Yoonis, ayaa Telefishanka Caalamiga ah ee CNN uga waramay Xaalada nabad-gelyo ee  dalkiisa iyo arrimo ku saabsan gooni-isutaaga.




Maxamed Biixi oo Waraysi toos ah lala yeeshay, ayaa sheegay inay Somaliland tahay dal ka nabdoon xaaladaha amni daro ee dalka Somalia oognaa 22 sanaddood.




Wuxuu intaasi ku daray inay Bulshada caalamka kala shaqeeyaan arrimaha nabad-gelyada, sida la dagaalanka Argagixisada iy Budhcad baddeeda.




Wasiirka ayaa Waraysigan ku sheegay in Somaliland damaanad buuxda ka bixinayso nabad-gelyadeeda, isla markaana beesha ka filaysa aqoonsi iyo Taageero dhaqaale.




“waxaanu nahay dal xuduud la leh dalalka Somalia, Itoobiya. Djabouti, waxaanan naga dhexeeya iskaashi iyo wada shaqayn dhamaan dalalka aanu jaarka nahay”ayuu yidhi Maxamed Biixi.




Halkan ka Daawo Waraysiga Wasiirka: