Pages

Sunday, February 16, 2014

Daawo Sawirada: Man City Oo Ka Adkaatay Chelsea Iyo Pellegrini Oo Ka Aargutay Mourinho.


Kulankii xiisaha iyo xaamasada badnaa Ee la wada sugayay ayaa ku soo gabagaboobay 2-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Manchester City, Chelsea iyo Man City ayaa garoonka la soo galay qaab ciyaared wanagsan iyadoo marba ay koox kubadda dhankeda ka maamuleysay balse City ay aheyd kooxda guul kaliya heegan u aheyd.




1392487546672_lc_galleryImage_Manchester_City_s_Edin_Dz




 




 




 




 




 




 




 




 




Man City ayaa weerar halis ah asoo qaady iyadii uu Yaya Toure kubadda ka soo laaday banaanka diilinta ganaaxa ayuu Cech awoodi waayay inuu celiyo isagoo ay ka soo fakatay waxana ka soo gaaray Jovetic kubadii uu shuuday ay birta kore ku dhacday lakiin City intaa kuma ekaan daqiiqad kadib waxa gool u saxiixay Jovetic oo kubad qurux badan daba mariyay Cech




City ayaa masraxiyadeda meesha ka sii waday iyagoo goolka la tagay kubadd qurux badan ay khadka dhexe ka soo abaabuleen daqiiqadii 23-aad uu Jovetic u baasay Dzeko isagoo si xarago leh kubadda u laaday balse waxa ka beeniyay goolhaye Cech, Man City ayaa aheyd koox gool raadis ah kaliya, daqiiqadii 44-aad kubadd qurux badan uu Milner soo dhigay afaafka hore Ee goolka Chelsea waxa lugta la waayay Edin Dzeko sidaa ayaana lagu kala nastay qeybtii hore Ee ciyaarta.




Qeybti labaad markii laysku soo noqday ayay Man City iska sii heysatay hogaanka ciyaarta inkasto Chelsea ay u halgamayeen inay goolka iska soo gudaan balse daqiiqadi 65-aad weerar xoog badan ay Man city soo qaaday kubadana ay Lugta usoo gashay Dzeko lakiin kubada markii uu laaday ay ku dhacday Cahill balse kubadi ma aysan sii fogaan daqiiqad kadib Nasri ayaa kubad qurux badan u dhiibtay Silva isagoo mar labaad banaanka usoo dhigay Nasri si habsami lehna ugu hubsaday shabaqa.




karoos khadka dhexe laga soo qaaday daqiiqadii 71-aad waxey lugta u gashay Dzeko isla markiba kubada Nasri banaanka u soo dhigay balse kubadii uu shuuday Nasri ay ku dhacday Luis inta wixi ka dambeyayna ay City garoonka intisa badan la wareegtay koorno loo dhigay City oo uu u dhaliyay Lescott ayuu calan wadihi ciyaarta uu tilmaamay inay tahay off side.




 




Chelsea ayaa weerar adag soo qaaday iyago marki ugu horeysay kubad halis ah ku helay goolka city kadib markii uu Mohamed Salah baas qurux badan banaanka u soo dhigay Oscar lakiin markii uu kubadda shuuday waxa ay ku dhacday Lescott, Chelsea ayaa inbadan isku dayday inay soo gudubto daafaca City balse taa uma suurta galin sidaana ay ciyaarta ugu soo gabagabowady 2-0 oo ay guusha ku raacday City.




1392486357184_lc_galleryImage_Manchester_City_s_Stevan_ 1392487168799_lc_galleryImage_MANCHESTER_ENGLAND_FEBRUA 1392487546672_lc_galleryImage_Manchester_City_s_Edin_Dz 1392485809825_lc_galleryImage_Manchester_City_s_Montene 1392486035829_lc_galleryImage_MANCHESTER_ENGLAND_Saturd