Sunday, February 16, 2014

Daawo: Maayirka Degmada 6-aad ee Minneapolis oo laga waraystay Rabshado Soomaalida saameeyay


warsameHoos ka Daawo Cabdi Warsame oo ah xubin ka mida ah Golaha ee Minneapolis arrimo badan laga waraystay.




Minneapolis(GNA)-Cabdi Warsame waa Guddoomiyaha Degmada Lixaad ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota oo xubin ka ah Golaha Deegaanka ee Magaaladaasi.




Waxa uu ka waramay rabshado bilihii la soo dhaafay dhacay Xaafaddaha Soomaalidu degto ee Magaalada uu madaxda ka yahay.




Rabshadahaasi waxa ka mida ahaa kuwo bishan horaanteedii dhex maray dad Soomaali ah iyo kuwo caddaan ah iyo dhacdo khasaare badan dhalisay oo ahayd dab ka kacay Guri ay degenaayeen qoysas Somaliyeed.




Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrimahan sumcadda Somalida hoos u dhigeen, isagoo ka tacsiyadeeyay bulshada.




Ninkan oo muddo gaaban xilka hayay, ka dib markii dhawaan uu ku guulaystay Kursiga oo doorasho ku helay, ayaa sheegay inay dedaal balaadhan ugu jiraan sidii loo soo afjari lahaa xiisada soo noqnoqotay ee Somalida saameysay.




Halkan ka Daawo Waraysi dheer oo uu bixiyay markii ugu horaysay intii uu xilka qabtay: