Kooxda Barcelona ayaa nus darsin u dhiibtay kooxda yar ee Ryo Vallecano oo mati ugu ahayd Camp Nou iyadoona la wareegtay hogaanka horyaalka mar kale kadib markii kooxda Atletico Madrid ay goor sii horaysay 3-0 ku dhufatay kooxda Valladolid.

Barcelona ayaa intbadan iska maamulanaysay ciyaarta, daqiiqadii 2 ee bilowga ciyaarta ayeey heleen goolka koowaad waxaana u dhaliyay Adriano kadib shuud xoogan oo uu ku riday goolka taas oo dhanka bidix ka gashay gool hayaha, Barca ayaa sii waday weerarkeeda iyagoo helay goolka labaad waxaana u dhaliyay Lionel Messi daqiiqadii 37 kadib markii uu markasii horaysay ay birta kabeenisay gool sax ahaa, Messi ayaana ciyaarta 2-0 kadhigay kadib baas qatar ahaa oo uu ka helay Fabregas isagoona si fiican u daba mariyay gool hayaha, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaaminaysay Barcelona.
Qaybtii danbe Barca ayaa la soo baxday weerarkii hore mid kasii daran iyagoo helay goolka 3aad daqiiqadii 53 waxaana u dhaliyay Sanchez kadib kubad fiican oo uu ka helay Messi isagoo sii daba mariyay gool hayaha, 56 daqiiqo Pedro ayaa 4-0 ka dhigay ciyaarta kadib kubad kutaabo ah oo uu ka helay Fabregas sifiican ayuuna shabaqa ugusii hubsaday.
68 daqiiqo Lionel Messi ayaa markale shabaqa soo taabtay isagoo kadhigay ciyaarta 5-0 kadib baas fiican oo uu ka helay saaxiib kiis Sanchez, dhamaadka ciyaarta Neymar oo dhaawac kasoo laabtay ayaa 6-0 ka dhigay kadib kubad uu soo shaqaystay isagoo shuud xoogan kuriday goolka kubada ayaana siigashay shabaqa, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 6-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Barcelona.
Guushaan ayaa ka dhigaysa in kooxda Barcelona ay hogaana ku hayso horyaalka iyagoo leh 60 dhibic, Atletico Madrid ayaa ku jirta booska labaad oo iyadana leh 60 dhibic, Barcelona yaana kaga haysa hogaanka gool dhalin, Real Madrid ayaa ku jirta booska 3 aad waxayna berito la ciyaari doonaan kooxda Getafe.
Gobanimonews-Desk
Hargeysa/Somaliland