Madax waynaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in kooxdiisa ay ku dhawaadeen inay heshiis la gaadhaan tababaraha Arsenal Arsene Wenger kalabadhkii sagaashameeyada markaas oo uu tababare u ahaa kooxda AS Monaco ee dalka France.
Rummenigge ayaa sheegay in tababare Wenger uu aad ugu dhawaa inuu qabto shaqada tababarenimada ee kooxda Bayern Munich sanadkii 1995 laakiin wuxuu sheegay inuu iska diiday shaqadaas isagoo aaday koox ka dhisan Japan halkaas oo uu joogay hal xili ciyaareed ka hor intii aan loo dhiibin shaqada kooxda Arsenal.
Rummenigge oo lahadlay wargayska Daily Mail ayaa yiri” England waxaa joogo tababareyaal fiican, waxaan aad ula dhacsanahay Arsene Wenger aad ayaan ugu dhawayn inaan heshiis lagaarno kalabarkii sagaashameeyadii markii uu tababare u ahaa Monaco, waxaan la yeelanay wada hadal si aan heshiis ula gaarno, laakiin ugu danbayntii wuxuu go,aansaday inuu aado Tokio”.
Hadalka madaxwaynaha Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku soo beegmaya xili kooxda Arsenal ay soo dhawayn doonto habeen danbe kooxda Bayern Munich kulan ka tirsan wareega 16 ee Champions League.