Kenya(GNA)War bixin ay maanta soo saartay Hay’ada xaquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa shegtay in Kenya ay wado ku tumashada xaquuqda bini aadamka ayna ku qasbayso qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku sugan in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.
Warbixinta Amnesty ayaa lagu sheegay in Kenya talaabooyinka ay adeegsanayso ay tahay mid cadowtooyo ay ku dheehan tahay taasi oo bixinaysa in Somalia-da aysan heysan qiyaar aan aheyn in ay dalkooda dib ugu soo laabtan Somalia sidaasi waxaa sheegtay ku xigeenka agaasimaha amnesty Sarah Jackson.
Sidoo kale war bixinta ayaa lagu yidhi dhinacyada ay Soomaalida ay kala kulman dhibaatada ay yihiin ciidamada booliska dalkaasi.
Amnesty waxa ay uga digtay dowlada Kenya in ay sii wado awooda ay u adegsanayso qaxootiga Soomaalida si dalkooda ay ugu soo laabtaan waxana ay ugu baaqday in ay ixtiraamto qaanunka caalamka ee badbaadinta dadka magangalya doonka ah.
Gobanimonews-Desk
Hargeysa/Somaliland