Pages

Thursday, January 9, 2014

Xuska aasaaska sanad-guurada 44-aad ee Aasaaska nabad sugida Somalia


Muqdisho, 09 Janaayo 2014 –(GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo xalay ka qeybgalay xafladii xuska sanadguuradii 44aad ee Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa Hambalyo u diray dhaman Ciidanka nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya.




Xasan Shekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka waramay muhiimada dhismaha dawladnimo ay u leeyihiin Nabad sugidu, waxaany yiri "Hay'ada Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya."




Xafladan ayaa waxaa kaloo ka soo qeybgalay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Sii Hayaha Xilka Ra'iisul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sii Hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyeyaasha ciidamada,Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo mas'uuliyiin kale. Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa fannaaniinta Heegan ay ruwaayad iyo madadaalo halkaas ku soo bandhigeen.




Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey xaflada ayaa yiri "Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha Hay'ada Nabadsugida, xaasaskooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo caawa u dabaaldegaya 44 guuradii kasoo wareegtey maalintii la aasaasay hay'adan muhiimka u ah amniga




nabadeynta iyo xasilinta dalka. Dowladuna waxey ahmiyad gaar ah siisey amniga oo dhaqaalaheeda kooban ay u hurtay. Waxaan ammaanayaa hay'ada Nabadsugidda oo sanadkii la soo dhaafay howlo muhiim ah ka qabatay dalka kana hortegtey falal amni daro lala damacsanaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku guuleysteen inay falalkii ka dhacay maxkamadda iyo xeradii QM ay si deg-deg ah u soo afjareen isla markaana ay ku wada dileen kooxihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday."




Madaxweynaha ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Garowe oo uu yiri "Waxaan u hambalyeynayaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynaha Puntland, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu xilkiisa u sahlo. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey diyaar u tahay inay wax allaale iyo waxii lala qaban karo Puntland lala qabto,isla markaana aan si wadajir ah uga wada shaqeyn doono arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii dalka Federaal looga dhigi lahaa isla markaana dalka oo dhan loo xasilin lahaa."




Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii tacsi u direy reerkii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Abwaan Aw Jaamac Cumar Ciise oo ku geeriyooday Djibouti. "Aw Jaamac waxuu ahaa qoraa Soomaaliyeed oo taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed wax badan ka qoray, waxuuna nooga wada baahanyahay inaan wada xasuusanno oo aan u wada duceyno."