Xisbiga Ucid Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Arimaha Wadda Xaajoodka Somaliland Iyo Somalia , Warancadde-na Ku Tilmaamay In Uu Arimaha Amniga Iyo Nabadgelyada K Shaqaynteeda Ku Fashilmay
Hargeysa(Gobanimonews) January 08, 2014 Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa si kulul uga Jawaabay Eedayn Wasiirka MArimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde uu u soo jeediyay Guddoomiyahooda Eng: VFaysal Cali Waraabe kaasi oo sheegay in uu Xidhiidh Xildoonimo ah la yeesho Somalia isla markaana ugu hanjebey in Xukuumaddu talaabo ded deg ah ka qaadidoonto.
Masuuliyiintan ka tirsan Xisbiga UCID ee shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta dhexe ee xisbigaasi oo kala ahaa xoghaya arimaha bulshada ee xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Mr Xuseen Xasan Badmaax ayaa labada Masuulba Wasiirka arimaha guddaha md Cali Maxamed Warancadde ay ku weerareen in uu yahay nin shaqadiisii arimaha amniga ee dalka iyo Xaaladda nabadgelyo in uu ka shaqeeyo ku guul daraystay,isla markaana yahay guddoomiyahooda Faysal Cali Waraabe eedaynta uu soo uu u soo jeediyay aanay waxba ka jirin.
Xoghaya arimaha bulshada ee xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ugu Shirkaasi jaraa’id ka hadlayay waxa uu yidhi “Anaga oo ku hadlayna afka Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Somaliland ee UCID waxaanu bulshada wadanka u bayaaminayaa laba arimood oo kala ah wada hadalka wadanka Somaliya oo ay xukuumada Somaliland kaligeed isku koobtay iyo khaladaadka uu wasiirka arimaha gudaha somaliland galay shalay oo u danbaysay markii uu shirka jaraa,id qabtay”
Cabdiraxmaan Axmed Cali oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay xukuumada Somaliland intii aanay ku soo bixin kooxo danbe oo imika qabsaday way jeclayd in la raaco oo lala taliyo, xisbiyada mucaaridkana way kaxaysan jireen ajandayaashii u horeeyey ee ay kaga qayb galeen bilawgii wada hadalkana waxa sameeyey Faysal Cali Waraabe waxaana haatan loo reebay inay jiraan waxyaalo la qarsanayo oo aanu xaga danbe ka oo sheegi doono”
Xoghayahu waxa uu intaasi raaciyey “Marka uu wasiirka arimaha gudaha Somaliland leeyahay waa xisbi qaran iyo waa gole qaran miyaanu ogayn inay qaranimada soo galayaan xisbiyada qaranku,qofkuna marka uu masuulka yahay waxa wanaagsan inuu barto waajibaadkiisa, Faysal Cali Waraabe-na waxa uu la hadlayey wasiirka arimaha debada oo sheegay inaanay xisbiyada mucaaridka ahi ka qayb galayn guddida wada hadalka, wasiirka arimaha guduhuna waxa uu garan waayey cida lala hadlayey,haddii uu shaqadiisa garan waayey wasiirka arimaha guduhu anaga ayaa u tilmaamayna waxaanan leenahay wasiir safaarada tobanka talaabo kuu jirta ayey shaqadaadii taala oo muwaadiniintii sidatay baasaaboorka Somaliland inta ganafka lagu dhufto reer Garoowe iyo reer Xamar laga siinayaa fiisayaashii,shaqadaaduna waxa weyaan inaad wax ka qabato ciidamada RRU-da ee kala dilaysa shacabka Somaliland iyo ciidankii nabad galyada sumcadii wadankana wax yeelaysa, laakiin waxa muuqata inaad ugu tala gasheen”
Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay Xuseen Xasan Badmaax oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Ucid kaas oo xukuumada ku dhaliilay inay kaligeed isku koobtay waftiga wada hadalka la galaya wadanka Somaliya,taasina ay tahay mid aanay Mucaaridku sinaba u aqbalidoonin,waxanu sheegay in Wasiiradda arimaha wada hadalada labada dal ay yihiin qaar afduubaya Masiirkii umadda isla markaana Saddexda Xisbi qaran iyaga dadku doorteen aanay tahay meel kasta oo qadiyada Somaliland lagaga hadlaayo in aanay ka maqnaanin ee ay goobjoog ahaadaan hadii taas la waayana aanay iyagu aqbalaynin.
Wariye Mr Hudle
Shabachudle
Gobanimogroub@gmail.com
Hargeysa, Somaliland