Cisbitaalka Degmada sheekh ayaa ku sugan xaalad adag oo aan indhaha laga qarsan karin, waxaanu halis ugu jiraa inuu gabi ahaanba dumo ka dib markii dhismaha cisbitaalka ay soo foodsaartay xiliyada roobka daroor ku timaado maadaama ay dusha sare ee dismaha cisbitaalka uu dunsanyahay oo aanu roobka celinayn,taasina ay sababto in qalabka cisbitaalku qoyo,sidoo kale durrufaha kale ee cisbitaalka ku xeeran waxaa ka mid ah cisbitaalka sheekh oo aan Guud ahaanba qalabka qaliinka lahayn iyadoo hadii ay qof dumar ahi foosha u suurtoobi waydo aanay lahayn wax lagu qalo iyo waliba xataa qaliino kaas ka yar aan lagu samayn karin,maadaama aanu gabi ahaanba oolin wax qalab ah,dhinaca shaybaadhka ayaa isaguna ah adeegayada aan gabi ahaanba cisbitaalka sheekh aanu lahayn,waxaa iyadana xaaladaha qalafsan ee Cisbitaalka sheekh la dariska ah ka mid ah dhinaca Biyaha oo loogu soo dhaamiyo Booyado taas oo ay keentay Guud ahaanba qasabada magaalada oo aan shaqayn,sidoo kale xaga dawada iyo tababarada shaqaalaha ayaan iyana aad ugu yar.
hadaba iyadoo uu cisbitaalka degmada sheekh yahay Cisbitaal qadiimi ah isla markaan Degamada sheekh ay tahay degmo aad u sii koraysa ayaa Xaaladahaas uu cisbitaalku ku suganyahay waxaa nooga waramay mar aanu Booqasho ku tagnay si aanu ugu kuur galo xaalada cisbitaalka Maamulaha Cibitaalka ahna Dr-ka Cisbitaalka sheekh Cumar Cabdi Maxamed waxaana warbixntiisa ka mid ahayd''
Xaalada Guud ee cisbitaalka Guud waxaad moodaa in ilaa iyo maalintii la furay sidii lagu furay iyo illaa maanta in sidii lagu furay uun yahay oo aan si fiican looga baaraan dagin,waayo xataa inuu yahay xanaano iyo in uu yahay ayaanu xag wasaarada uga diiwaan gashanayn,anagu adeega aanu bixinaa ee awoodayada ahi waa adeeg hufan oo ay dadku kaga maarmaan taraagii,laakiin waxaa jira baahiyo fara badan oo ay nagu kalifto in shaybaadhkii aanu dadka meelahaas bareefada u diro,Qaybtii qaliinka oo aan iyana wali noo shaqayn wax qalab qaliin ah oo yaala ma jiraan,dhakhtar qaliin baa Boqorka kuwayd uu noo keenay laakiin wax qalab ah ayaan jirin oo uu ku shaqo galo,Dr ku isagoo hadlkiisii sii wata waxa uu yidhi''dhibaatada ugu daran ee cisbitaalka hada haysata waxaa weeye dhismaha cisbitaalka oo shirkadii qandaraastay ee dib u dhiska ku samaysay ayaa ku samaysay khiyaamo waayo waxay ahayd in guudka laga qaado qafiskii uu hore ruushku u dhigay, iyagoo aan tii ka qaadin ayay waxyaabo danbe dul saareen taasina waxay keentay inuu dhakhtarku darooro oo hada hadii uu roob yara xooglihi da'o cisbitaalku gabi ahaanba wuu daroorayaa,Biyahaasi waxay gaadhayaan laydhka xataa waxay gaadhay in shaqaalaha qaar uu laydhkaasi dili gaadho,waxyaabaha dib nooga dhigay in hay,aduhu ay qalabkii qaliinka noo keenaan waa ka mid in aanu dhismaha cisbitaalka iska hagaajino ayay nagu xidheen,Baahiyaha kale waxa ka mid ah dawada oo nagu yar,shaybaadh maba haysano,tababaro dhinaca shaqaalaha ah,Biyaha booyado ayaa noosoo dhaamiya ee maah biyo Cisbitaalka soo gala.
Maamulaha cisbitaalka Dr- Cumar isagoo heerka cisbitaalka sharaxaya inaan lagu tilmaami karin cisbitaal dhamaystiran waxa uu yidhi'' Wasaaradu iyadaa Cisbitaalka Furtay Mushaharkana iyadaa shaqaalaha siisa laakiin dhakhtar marka laga hadlayo,waa in adeegii looga baahnaa laga helaa,markaas hadii adeegii looga baahnaa dhaktarkaasi leeyahay waa dhakhtar hadii uu ka hooseeyana waa MCH ama xanaano,markaas dhakhtarkan maanta waxaa uu u muuqdaa meel dadka laga sii gudbiyo sida Abdaal oo kale maadaama oo aanan qaliin lagu awoodi karin.
Pages
▼