Borama(GNA) Wasiirka wasaarada caafimaadka Soomaliland saleebaan ciise xagle toosiye oo ay ku weheliyaan xubno ka mid ah agaasimayaasha waaxaha wasaarada caafimaadka iyo masuuliyiinta ugu sareysa wasaarada caafimaadka gobolka awdal ayaa koormeer shaqo ku marayay gobolada Awdal iyo Salal.
waftigan ayaa waxay u kuur galayeen xaalada caafimaad ee deegaanadaasi ka jira si loo helo xaalada dhabta ee caafimaad ee ka jirta. waxana uu kormeerkan ku soo maray Isbitalka guud ee maagalada saylac iyo goobaha mchyada caafimaad oo uu kula kulmay ayaa wasiirku warbixino ka dhagaystay hawl wadeenada caafimaadka ee ka Hawlgala cusbitalka iyo mchka saylac.
wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayay ayaa saaka ka soo amabaxay magaalda saylac ee xarunta gobolka salal sidoo kale socdaalkii wasiirka ayaa lagu soo dhaweeyey deegaanka jidhi ee gobolka Salal iyada oo uu salaan ka qaatay ciidamada qaranka qaybta 91naad ee deegaankaasi ka hawal gala.
waxana uu soo kormeeray xarunta MCHka deegaanka jidhi oo uu kuur galay xaalada caafimaad ee Jidhi.
Wasiirka iyo waftigiisu waxa kale booqdeen Xarumaha caafimaadka deegaanka cabdi qaadir sida ay ay u shaqeeyaan socdaalkan indho indhaynta ayaa wasiirka wasaarada caafimaadka soomaaliland ayuu ku soo maray degmada xariirad ee gobolka Salal wasiirka waxana uu xadhiga ka jaray cusbital laga hirgaliyey xariirad ayna qurbo joogo ka soo jeeda degmada xariirad gobolka Salal ay dhiseen Wasiir Saleebaan Ciise Xagle toosiye oo ka hadlay munaasibada xadhigka jarka ayaa sheegay in maanta uu aad ugu faraxsanyahay cusbitalkan degmada xariirad in ay yeelato cusbitalkan uuna maanta ka mid yahay cusbitalada soomaliland wixii kharash iyo shaqaalayna uu kala mid yahay cusbiltalada dalkan wax kastooy ay u baaha nyahayna ay siin doonaan socdaalkan ayey ku soo mareen degmada boon ka tirsan gobolka Salal qado sharafna loogu samayey waxayna soo kormeereen xarunta caafimadka MCHka Boon .

waxana wasiir xagle toosiye warbixin ka dhagaystay masuulka MCH xaruntaasi.
wasiirka caafimaadka oo halkaasi ka hadalayna waxa uu balan qaaday in shaqaalaha caafimadka degmada boon loo kordhin doono si xaalada caafimaad ee degmada boon loo wanaajiyo.
iyada oo uu gudoomiyaha degmada boon iyo cuqaasha ay sheegteen baahiyaha caafimaad ee ay degmada boon ay uu baahan tahay. isuduwaha wasaarada caafimaadka Gobolada Awdal iyo Salal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac hadi oo isaguna halkaasi ka hadlay waxa dadka reer Boon u sheegay in iyagu isku tashadaan oo ay bilaabaan hindisaha cusbital xukuumad ay la kaashadaan si saxda caafimaad ee degmada boon loo wanaajiyo.
degmada Quljeed gobolka Awdal ayaa lagu soo dhaweeyey wasiirka wasaarada caafimaadka soomaaliland iyo shaqaalaha caafimaadka ee socdaalkan ku wehelinayay waxana ay soo kormeereen mchka xaruntaasi oo uu wasiirku booqday ayaa waxa sheegay in ay xaalada shaqo mchka quljeed ay wanaagsan tahay intii uu kormeerka ku jirey uu arko mchkii ugu weynaa ee uu socdaalkiisa ku maro shaqada ugu badana qabta gobolka Awdal loona baahan yahay in halkaasi laga sii wado si xaalada caafimaad ee degmada kor loogu qaado kaabayaasha caafimaad ee degmada quljeed loona sii daryeelo.

wasiir xagle toosiye ayaa socdaalkiisa horey ugu kormeeray magaalooyinka Borama, Baki, Lughaya ,Dila deeganada Garbo Dadar iyo tuulooyin hoos yimaada deegaanadaasi .
xagle toosiye ayaa indhihiisa ku soo arkay xaalada caafimaad ee gobolada Awdal iyo Salal iyo sida ay shaqadu u socoto iyo hawl wadeenadu sida ay ugu fidiyaan bulshada adeegyada cafimaad intii uu socdaalka wasaarada caafimaadka ayaa xarumaha qaarkood la gudoon siiyey qalabyo caafimaad oo bulshada loogu adeegi doono kormeerkan wasaarada caafimaadka somaliland ay ugu kuur galayso xaalada dhabta ah ee caafiimaad ee ka jirta gobolada Awdal Iyo Salal iyada oo looga fadhiyo wasaarada caafimaadka warbixinta ay ka soo saarto iyo heerka ay gaadhsiin santahay
Mustafe caraale
Gobanimo news
Borama-Somaliland