Xukuumadda oo Ciidamo ku daadisay Xaafadaha Magaalada, Cabsi laga Mudaharaad iyo waran-cadde oo Barri u sii jeeda
Burco(GNA)-Magaalada Burco ayaa xaafadaha qaarkood la dareemayaa dhaqdhaqaaq iyo guux bulshada Rayidka ah dhexdeeda ka socda, lagaga soo horjeedo xadhiga Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar.
Amaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyay,waxaana meel kasta la dhigay Ciidamo bilays ah, kuwaasoo dhaqdhaqaaqooda la dareemayo.
Tan iyo markii mudaharaadyada rabshadaha wataa dhaceen laba usbuuc ka hor amaanka Magaalada wax weyn ayaa iska bedelay, waxaana la geeyay ciidamo dheeraad ah oo kuwa rabshadaha ka hortaga u badan.
“Magaalada meel kasta Ciidan ayaa la dhigay, waxaana laga cabsi qabaa in hadii mudaharaad dhaco rabshado dhashaan” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida dadweynaha degen Xaafadaha Galbeedka ee Magaalada.
Arrintan ayaa ka dambeysay, ka dib markii la arkay dhalin yaro xaafadaha qaarkood ka wada abaabul lagaga soo horjeedo xadhiga Guddoomiye Guuleed.
Qoyska Gud. Ku-xigeenkii hore T/dheer oo Xirsi eedeeyay
Ciidanka RRU-da ee Bilayska somaliland ayaa xalay gurigiisa ka soo qabtay Sarkaalka hore ee la xidhay, kaasoo aan ilaa hada la cadeyn sababta ka dambeysa xadhigiisa.
Qoyskiisa iyo xubno ka mida eheladiisa, ayaa xadhiga Masuulkan ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Wasiirka Madaxtooyada xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku sugan Magaalada Burco.
“Aabbahay waxa xidhay oo ciidanka u soo diray Wasiirka Madaxtooyada xirsi oo shalay Suuqa ugu Hanjabay, isagaana waxaasoo dhan ka dambeeya”sidaasi waxa warbaahinta ka sheegay mid ka mida caruurta Ninka la xidhay.
Xirsi oo isku fogeeyay Xadhiga Guuleed
Hase ahaatee sida ay Gobanimonews u sheegeen xubno ka mida madaxdhaqameedka Gobolka, Waxgarad iyo Odeyaal xadhiga Masuulkan kala hadlay ayaa sheegay inuu iska fogeeyay Wasiir Xirsi xadhigiisa.
Inkasta oo aanay xubnaha la kulmay wasiirku arrintan xaqiijin, hadana ilo wareedyo xidhiidh dhex maray, ayaa sheegay inuu Wasiirku ku doodday inaanu wax shaqo ah ku lahayn, balse doorkiisa ka qaadan doono sidii xoriyadiisa loogu soo celin lahaa.
Waran-cadde oo booqanaya Berbera
Guuleed Daahir Samatar ayaa la sheegay in xalay loo soo dhaadhiciyay dhinaca Magaalada Berbera, laakiinse ma cadda inuu xabsi ku jiro iyo in meel kale la geeyay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa la sheegay inuu booqanayo Magaalada Berbera, halkaasoo la filayo inuu u sii dhaafo dhanka Burco oo aanu ka ag wareegin tan iyo markii rabshaduhu ka dhaceen.
Waran-cadde ayaa dalka dibadiisa ku maqnaa markii ay rabshaduhu ka dheceen Magaalada Burco ee caasimadda labaad ee somaliland.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya inuu safarkiisu salka ku hayo xalinta xiisaddaha ka oogan Magaalooyinka Burco iyo Berbera oo arrimo kala duwan salka ku haya.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com