Pages

Sunday, January 19, 2014

Wasiir Tacsi diraya


(IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN)) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo dhaqanka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir  (Cukuse), waxa uu tacsi u dirayaa Cullimo Awdiinka, waxgaradka Dalka, Ehelkii, Qaraabadii,Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Axmed Cali Weerar oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti marxuumka oo u geeriyooday xanuun beryahanba uu u jiifay looguna qaaday dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti oo marxuumku ku geeriyooday 19/01/2014.




Marxuumka oo da’adiisu ahayd 85 Jir waxa uu ka mid ahaa Cullimada dalka magaca ku leh ee aadka loo qadariyo bulshada dhexdeeda isaga oo marxmuumku  Ifka kaga tegay 115 Caruur ah wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleenba.




Waxaan Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, intii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ka siiyo. AAMIIN AAMIIN.




 




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN