Pages

Friday, January 17, 2014

War Deg Deg Ah;-Liiska Cusub ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo lagu dhawaaqay…AKHRI


breaking-400x216Muqdisho(GNA)Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed




 


 




Maxamed ayaa goor dhow ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayadoo Munaasabadda magacaabistana ay imika ka socoto xarunta Madaxtooyada soomaalia.




 




Ra’isulwasaaraha ayaa tilmaamay in magacaabistan ay ka dambeyso wadatashi ballaadhan islamarkaana uu ka ogolaadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Waxaana uu ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney ansixiyaan Golaha Wasiirrada.




 




Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisay Ra’isulwasaaraha ayaa ka kooban 25Wasiir, Shan Wasiirudowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen waxaana magacyadooda ay kala yihiin sidan:-




 




Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare




Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane




Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud




Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle




Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed




Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase




Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin




Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed




Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed




Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)




Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow




Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel




Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil




Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan




Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed




Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali




Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed




Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur




Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan




Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye




 Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow




Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar




Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow




Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud




Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed




 




waxii ka soo kordhan goor dhaw fillo 




Gobanimonews-Desk




Muqdisho/somalia