Monday, January 6, 2014

WADANKEENA NIMCADA TAALA IYO SIDAAN UGU FAAIDAYSAN LAANAHAY


marka hore waxaan salaamayaa shaqaalaha gobanimonews iyo akhristayaasha shafarta leh salaan kadib, waxaan jeclaystay inaan wax yar ka idhaahdo maqaal aad iyo aad ii xiisa galiyay oo aan filayo inay walaalahayga u dhashay dalka soomaaliland ay la dhici doonaan ,kaasi oo ah nimcada wadankeena taala iyo sidaan uga faaidaysan garan laanahay.




Wadankeenu waa wadan dihin oo dhan walba oo laga eego hodan ka ah laakin nasiib daro dadkeenii ayaa garan la siday uga faaidaysan lahaayeen nimcada taala dalkeena  ha ugu horayso dawlada oo iyadu masuul ka ah siday dadka ugu samayn lahayd qorshe ay ku  horumarinayso dalka tusaale ahaan waa inay dhiiri galinaan qof walba oo wax abuuraya  si dadku ugu dhiiradaan inay wax abuur ka bilabaan dalka, dowladi waxay ku jirtaa kolba inta ay isku filan tahay ee ayna cid kale ku xidhnayn.




Nimcooyinka Alle ku manaystay dadlkeena lama soo koobi karo laakiin hadaynu tusaalayaal kooban ka soo qaadano waxaa ka mida nimcada ugu wayn aduunka oo ah in ilaahay inaga dhigay umad islaam ah oo Alle kaliya caabuda taasi oo ay ka qatan yidhiin dad farabadan oo aduunka kamida taasi oo mudan inaan Alle ugu mahadnaqno  iyo in ilaahay ina siiyey amaan kaasi oo la’aantiis ayna waxba inoo suurta galeen, amniga ahmiyadiis aad iyo aad ayaan uga dharagsan nahay marka layna barbar dhigo dowladaha jaarkeena ee amni daradu saamaysay.




Waxaa kale oo jirta in Alle ina siiyay bad aad iyo aad u baaxad wayn taasi oo dhereran berbera ilaa xiis iyo maydh taasi oo ay ka buuxaan nimcooyin aad u badan oo hadana dadka soomaaliland ay ka qatan laayihiin oo kalluunka oo kaliya laga yaqaano, kalluunkaasi oo hadana aad iyo aad u qaaliya oo dadkii nacsiiyay isticmaalkiisa , waxaa kale oo jirta in milixda laynooga keeno dowlada jabuuti oo aan garan laanahay sidaan baddeena ugu soo saaran lahayn milix, waxaa intaa dheer ina dadkeenu u baahan yihiin ina tobobaro loo qabto sidii looga faaidaysan lahaa badda khayraadkeeda taasi oo hadii la barto wax wayn ka taraysa dhaqaalaha dalkeena oo waxii inaga dheeraadana aynu u dhoofin doonta dowlaha jaarkeena  dhaqaalahaa inga soo galana aynu ku horumarinayno dalkeena.




Waxaa kale oo jirta ina alle dulkeena ku manaystay macdan aad iyo aad u farabadan oo ka buuxda dhulkeena taasi aan garan laanahay sidaan uga soo saaran lahayn macdanku ku duugan dulkeena , waxaan aaminsanahay in wadankeena macadan aad u badan laga helo karo haddii la helo aqoontii lagu soo saari lahaa iyo in hadii la helo shirkado soo saara dabagal lagu samayn lahaa si ayna iskaga guran macdanteeda soo saarista macdanta ku qarsoon dulkeen waxaa shaqo ka helaya dhalinta oo koraysa ee soomaaliland taasi oo markii meel loo jiheeyo la waayay ay isku gureen badaha iyaga oo raadsanaya shaqo wanaagsan.




Hadaynu ka eegno wadankeena danka beerahana baaxad aad u balaadhan oo aynu wax walba ka beeran karno ayuu wadankeenu leeyahay, taasi oo aynu kabeeri karno dalagyo aad u badan oo anfac wanagsan u leh dadkeena taasi oo aynu kaga raysan karto inaan ka soo dhoofsano wadamada jaarka dalagyada aynu u baahan nahay sida khudaarta iyo dalagyada kale ee aad laga maarmin ,waxaa wax lagu farxo ah in wadankeena laga tijaabiyay dalagyo badan oo tijaabadoodiina laga midho dhaliyay sida bariiska oo kale , laakiin waxaa haboon in halkaa laga sii wado oo dadka beeralayda ah lagu dhiiri galiyo inay beeran  dalagyo badan oo dowladu ka iibsato si ay dowladuna dadka ugu sii iibiso taasi oo si fiican u dhiiri galinaysa beeralayda haday ogaadan in wixii ay beeran intuu doono ha leekaadee laga iibsanayo




 taasina waxay kor  u qaadaysaa  waxsoo saarka dalka ,dowladana waxaa ka soo galaya dhakhli aad u badan taasi oo aynu ku gaadhi karno inaynu dhan walba iskaga filnaano oo aynaan ku xidhnaan dad kale, waxaan maqaalkayga ku soo koobayaa inaan dhamaanteen gacanta iska qabsano sidaan wadankeena dhan walba ugu horumarin lahayn oo aynu gaadhsiin lahay dowladaha aduunka dhanwalba sidaa darteed hadaynu dadal lanimaadno ilaahayna wuu inala garab gali dowladuna iyadaa ka masuula sidii aya masiirka umadan kor ugu qaadi lahayd dhan walba oo laga eegaba, taasina waxaan ku gaadhayna isku duubni ka dhaxaysa dowlada iyo shicibkeeda.




Qalinkii: Axmed Ibraahim Maxamed




Email: axmednuur_176@hotmail.com