Pages

Sunday, January 19, 2014

Waa Nin Ceenkeeya Wasiirka Arimaha Dibada Ee Soomaaliya Dr. Bayle :-Daawo


Dr_BayleHargeysa (GNA) Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli sheikh Axmed ayaa taariikhda markii ugu horaysay wasaarada arrimaha dibada Iyo iskaashiga caalamiga u magacaabay muwaaadin ka soo jeeda Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal, C/raxmaan Ducaale (Bayle).




Dr. Bayle ayaa ah shakhsi lagu yaqaan waxqabad iyo karti dheeraad ah waxaana lagu tiriyaa inuu yahay aqoon yahanka kaliya ee ka soo jeeda gobolka Awdal ee abid wax la taaban karo ka qabtay gobolka Awdal oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo gaar ahaan dhinaca deegaanada xeebaha.




Wuxuuna Dr Bayle suurtagal ka dhigay in dhalinyaro aan fursad u helin inay helaan aqoon waxbarasho inay maanta helaan fursado ay wax ku bartaan, wuxuuna deegaanadaas ka sameeyay School Boarding ah oo leh dhismayaal isugu jira jiif Iyo waxbarasho.




Dr. Bayle, waa aqoon yahan aqoonta waxbarasho ka gaadhay darajada ugu saraysa PHD. Wuxuuna ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha.




Inkasta oo Dr. Bayle soo qabtay shaqooyin badan oo kala duwan oo heer caalami ah, hadana wuxuu imika sargaal sare ka yahay bangiga horumarinta afrika(African Development Bank)




Ra’iisal wasaare Cabdiwali ayaa la odhan karaa wuxuu qaatay talaabo geesino leh, wuxuuna jagada wasaarada arriaha dibada la helay shakhsigii ugu haboobaa uguna mudnaa.




Waa Shakhsi Wax Weyn u Soo Qabtay Gobolkii uu Ka Soo Jeeday,Waana Ruux Weligii Ku Taamayay In Dadku Wax Bartaan Kana Baxaan Jahliga,Hadaba Sida Ay Dadkiisu Ugu Riyaaqeen Dhiiri Gelinta Waxbarashada Ee uu u Ololeeynaayay Dr.Bayle Waxaad Kaga Bogan Doontaan Video-ga Hoose








Reer Awdal oo Soo Dhaweeyay Magacaabistii Wasiirka Arimaha Dibada Ee Loo Magacaabay Soomaaliya:-Daawo




 Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaaliland