Pages

Monday, January 13, 2014

Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi Iyo Wafti Balaadhan Oo Qurba Jooga Degaanka Harawo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jig-jiga


Jig-jiga -(GNA)-Qurbajoog u dhalatay Deegaanka Harawo oo uu Hogaaminayay  Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi  Ayaa Lagu Soo Dhaweeyay Goroonka Diyaradaha Ee Wiil waal airport Ee Magaalada Jigjiga Waxaa halkaasi Ku soo Dhaweeyay Masuuliyiinta ka Tirsan Maamulka DDSi.




Waxaa ka mid Ahaa Masuuliyinta Ku soo dhaweysay airportka Wasiirka Qurbajoogta Mudane Cabdi bari macalin maxamed iyo Wasiirka Hanti Dhoorka Guud Mudane Axmed Ibraahim Cabdi iyo Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobolka Faafan ama Jijiga.




Waxaa Halkaasi Ka Hadlay oo warbaahinta DDSI u sheegay in uu Ku Faraxsan Tahay in ay Qurbajoogta Ka Socota Harawo Gaar ahana Gobolka Faafan uu Maanta Ku Soo Dhaweeyo Magaalada Jigjiga




Qurbajoog Gobolka Harawo Ayaa aad ugu Farxay Sida Sharafta leh Masuuliyiinta Xukuumada DDSi ay ugu Soo Dhaweeyeen Magaalada Jigjiga Taaso ay soo Jiidatay Qalbigooda aadna ugu riyaaqeen sida walaltinimada sharafta iyo karaamada leh ee loogu soo dhaweeyay Jijiga




Gobanimo news.com




Jig jiga office