Xukuumadda iyo Mucaaridka Somaliland oo isku haysta Ergadda Shirk aka qayb-gelaysa iyo talo-wadaag in laga yeesho iyo hadalada ay isdhaafsadeen”Warbixin
Hargeysa(GNA)-Xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Ucid, ayaa dhaliilay habka ay u socdaan wadalada somaliland iyo Soamlia.
Xuseen Xasan Bad-maax, ayaa sheegay in wada hadalkaasi uu yahay mid hadal haamo lagama buuxiyo, rejo ka soo muuqataana jirin.
Xuseen Badmaax oo ah Xoghayaha arrimaha Gudaha ee xisbiga Ucid, ayaa rejo xumo ka muujiyay in natiijo wanaagsani ka soo baxdo wada hadalada socda.
Qoraal uu warbaahinta u qaybiyay caawa ayuu sidaasi ku sheegay, kaasoo u dhignaa sidan: “Xukuumada uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Axmed-siiraanyo tan iyo intay talada dalka la wareegtay waxay bilawday inay shacabka u dhigto riwaayad la yidhaa (Dhallaan habaabis) oo ay indhahu ku daalaan.Markiiba waxay daaha ka rogtay habsocodkii siyaasada dibada inay jidkii hore ka leexanayso oo ay dabacsanaan muujin doonto.Waxay xukuumada Madaxweyne Axme-siiraanyo ku dhawaaqday oo ay shacabka ku dhega-barjaysay (Container uun ku jiri maynee Somaliya ayaanu wada hadalo la bilaabaynaa).
Golayaasha sharci dejinta ayaa sacabka u tuntay,xisbiyada mucaaridka ahina qalinkay ugu duugeen,lays maba waydiin danta ay ka leedahay xukuumada Axmed-siiraanyo jidkan ugubka ah ee lala gelaayo Somaliya oo aqoonsan Somaliland inay tahay maamul goboleed ka tirsan dawlada Somaliya.
Tan iyo intay wada hadaladu socdeen xukuumada Axmed-siiraanyo umay caddayn shacabka Jamhuuriyada Somaliland ula jeedada ay ka leedahay kulamada ay la yeelatay Somaliya.Waxa se ay ku hadaaqdaa inay horumar ka gaadheen wada hadalada ay la yeesheen masuuliyiin ka socotay Somaliya balse wararka warbaahinta Turkiga iyo Somaliya ka soo baxaayay waxa ay muujiyeen aragtida dhabta ah ee ay ku salays-naayeen wada hadaladaasi.Waxaynu ognahay qodobada ilaa hada lays-la qaatay ay ugu cuslaayeen kuwan:
1.Maamulka Hawada Somaliya in lagu wareejiyo dawlada Somaliya,laba xafiis-na laga furo Muqdisho iyo Hargeysa.
2.Maamulka waxbarashada Somaliya in lagu wareejiyo dawlad Somaliya,waxii Scholarship ahna loo mariyo wasaarada waxbarashada Somaliya.
Hada xukuumada Axmed-siiraanyo qodobadaa aragti ka duwan ayay ugu sheegtay shacabka Jamhuuriyada Somaliland.Markiiba waxa ka jawaabtay dawlada Somaliya,waana ta sababtay inaanay waxba ka suurta gelin xafiiskii hargeysa laga furi lahaa ee maamulka hawada.Balse waxbarashada way hirgashay oo waa taa Scholarships-ka Somaliya la siiyo ay ardayda Jamhuuriyada Somaliland ka mid-ka tahay.Xataa ta turkigu bixiyo waxaynu u helaa gobol ahaan ka mid ah Somaliya sida gobolada kale ee dalkaas.
Shacabka Jamhuuriyada Somaliland oo hurdo dheer ku jira marna may dareemin mugdiga ku gadaaman wada hadalada ay xukuumada Axmed-siiraanyo la wado Somaliya in lagu sii siqaayo midnimada Somaliya.Tanina waxay meesha ka saaraysaa madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.Waxa kale oo ay muujinaysaa awoodii shacabka inay si qarsoon xukuumada Axmed-siiraanyo u tahriibinayso.Taladiina isku koobtay oo qarsoodi ka dhigtay arrimaha ay miiska la tagayso,sidaa darteed ayay xisbiyada qaranka iyo golayaashaba talo ku saabsan wada hadalada ula yeelan.
Hadaanay sidaa ahayn,xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed-Siiraanyo waa inay shacabka u cadaysaa inay ku jirto baadi doonka aqoonsiga dalkani raadinaayay 22ka sanno,miiska wada hadaladana ay soo dhigayso iyo inay dano gaar ka leedahay.
Waxa aan ku soo afjarayaa wada hadalada Somaliya iyo Somaliland xaalkoodu waa hadal haamo lagama buuxsho ee in lagu soo afjaraa is-aqoonsi labada dawladood,wax kale oo shacabka Jamhuuriyada Somaliland maqli karaan ma jiro.
Dhinaca kale, xisbiga Waddani ayaa shalay si cad u sheegay inaanay aqoonsanayn wax kasta oo ka soo baxa wada hadalada socda.
Waxaanay arrimahani muujinayaan gor-gortan mucaaridku doonayo in laga qayb geliyo ama laga talo geliyo ajandaha wada xaajoodka labada dhinac oo dib u dhacay ilaa muddo aan wali laysku waafaqsanayn.
Hase ahaatee wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo jawaab ka bixiyay doodda Mucaaridka ayaa sheegay inay xukuumadda iyo Baarlamanku wakiil uga yihiin arintaasi shacbiga somaliland, sidaasi darteed talo gelinta iyo ka qayb noqoshada weftiga somaliland ee mucaaridku aanay macno samayn.
“Weftiga wada hadalada ka qayb-gelaya waxa ku jira xubno ka mida Golaha wakiillada, golaha wakiilladaana shacbiga metela oo la soo doortay, laakiinse annagu ma qabno inay Kaalin uga banaantahay mucaaridka inay weftiga raacaan, waayo annagaa xukuumaddihii ah oo umadda u metelayna”ayuu yidhi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com