Saturday, January 11, 2014

Tix cusub (Safar)Waxa Curiyey Abwaan Cali Dhanaaniye)


 




Tixdani waa tixda ugu culus abid intaan suugaan curinayey waayo waa tix ka qiimo badan murtidayda kale oo dhan, oo ku saabsan alle ka cabsiga dadkana wanaag faraysa samaana u rajeynayasa if iyo aakhiraba ilaahay ha inaga dhigo kuwii guulaystee waxay hogatusaalaynaysaa qof bani-aadamkaa waxayna ku baraarujinaysaa inuu is garto qofka uu yahay iyo inuu xasuusto allahii abuurtay, inuu oogo salaada , inuu bixiyo sadaqada inuu soomo ramadaanta iyo inuu xasuusnaado oo aanu ilduufin jidka siraad iyo waayaha aakhiro ee danbeeya,waxaan kale oo ilaahay ka dalbanayaa inuu inoo fududeeyo su'aalaha qabriga iyo sakaraatul mowdka.Waxan kale oo ilaahay kaga baryayaa inuu inaga nabad geliyo halaagiyo cadaabaha oo uu inaga dhigo safkii nebiga raacay ee lagu sooro wanaaga iyo farxadda,  oo uu dhamaanteen inagu wada kulan siiyo janooyinkiisa qaaligaa....




 




Hadal dheeri waa abaare bal aan is kiin fasaxo idinka iyo maansada waxayna tidhi:




 




Salfudaydku waa hoog




 




Sahwiguna dhib iyo ciil




 




Waxa sababa cimilada




 




Saacadiyo ayaamaha




 




Siliciyo xanuuniyo




 




Sakaraadka gocashada




 




Waxa sababa bii'ada




 




Sebenkiyo amuuraha




 




Sakalaha aduunyada




 




Saatir oo la mahadshiyo




 




Salaadiyo digriga iyo




 




Dawadoodu waa samir




 




Caqligii saliim ahi




 




Waaka sooma maalmaha




 




Sodonkeeda ramadaan




 




Waaka xumaha saydhee




 




Rabigii Samaystiyo




 




U sujuuda weynaha




 




Waaka taagga sacabada




 




Ku saliya rasuulkana {csw}




 




Waa socod adoomuhu




 




Waa socdaal aduunyadu




 




Safar baynu wada nahay




 




Saldhigeenu waa iil




 




Sahaydeenu waa khayr




 




Salaadoo la oogiyo




 




Sadaqoo labixiyiyo




 




Saalixul acmaaliyo




 




Sooryadeenu gacaloow




 




Ubax laysa siiyiyo




 




Weedho suuban weeyaan.




 




Sare fadhiga uga kaca




 




Xumaantana ka saahida




 




Subaxii qiyaamaha




 




Jid siraad xasuusnoow




 




Wadka lama sakhirayoo




 




Cidna seegi maayee




 




Waxba saaca noloshiyo




 




Dhal-dhalaalka sudhan iyo




 




Suuradeeda ha u bogin




 




Saatiroow allahayoow




 




Subxaanoow casiisoow




 




Samiicoow Basiiroow




 




Su'aalaha xabaashiyo




 




Sakaraatul mawdkaba




 




Sahal nooga yeeloo




 




Adigaa samaystee




 




Janooyinka sideedaa




 




Safkii nebiga raacee




 




Saxariirka aragee




 




Sulufkiyo kulkeediyo




 




Suudheeda jahanaba




 




Samhariira dhaafee




 




Saacidaada hela ee




 




Salka dhiga fardowsiyo




 




Seeraha niciimee




 




Lagu sooro malabkiyo




 




Durdurada sunsumayiyo




 




Khamrigiyo sabiibtiyo




 




Nolol aan salguureyn




 




Sina laga gaboobeyn




 




Oo xanuun ku saaqiyo




 




Silic iyo abaariyo




 




Saxa xumo lahaynoo




 




Dadka saba barwaaqeed




 




Saxaabadii wacnaydiyo




 




Suubanoow rasuulkii




 




Salsalaamayaanoo




 




Farxad subaxan lagu jiro




 




Xaasidkana la solayoo




 




Saquum laga waraabshoo




 




Jahanabi sulaaqdoo




 




Xiqdigana saliidiyo




 




Subag looga dhigayoo




 




Sanka loogu shubayoo




 




Lagu sugay abaalkiis




 




Allow nagu sin maantaa




 




Adaa samaha bixiyee




 




Anigiyo so'daydiyo




 




Suuban hooyadayiyo




 




Marwadayda saxarliyo




 




Same aabahay iyo




 




Saxiibaday iyo




 




Saaxiibadood iyo




 




Inta samaha jeceliyo




 




Saalixyada islaamkiyo




 




Soomaaliyoo idil......




 




Dhamaad..




 




dhanaaniye@hotmail.com