Sunday, January 19, 2014

Suldaan Af-durdur: Mudane Guddoomiye waxaanu kaa filaynaa go’aan qaadashadii Xamarje oo kale”


Aniga oo  ah suldaan maxamed aadan cabdilaahi (sul maxamed afdurdur), kuna hadlaya afka suladiinta iyo cuqaasha waxgaradka aqoon yahay, dhalinyarada Gobolka Togdheer gaar ahana  Galbeedka Burco, waxanu si xishmad iyo karaamo iyo qadarin ku dheehtahay  u soo dhaweynaynaa, badhasaabka cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye.




Waxanu ku leenahay alle xilka luguu soo magacabay, ha kuu fududeyo.




Waxa  lagaaga bahan yahay inaad gobolkan aad ku xukunto, cadaalad iyo sinaan sidii  badhasaabkii adigaa kaa horeyey oo ahaa masuul aad iyo aad ugu qaali ahaa gobolkan  mudane xamarje oo runtii ahaa nin go’aan qaasho leh.




 anigu waxaanu kaafilaynaa  sidiisi iyo si ka sii fiicanba gudoomiye waxaan ku leenahy ku soo dhawow mar labad gobolka Togdheer,  waxaanan kaa filaynaa inaad gobolkan wax badan aad ka tari doonto.




Ugu dambeyn Mudane Maxamed Muuse Diiriye waxaan kaa filayaa wada shaqayn wacan adiga iyo reer Togdheerba.




Allaa Mahad leh




Suldaan Maxamed Aadan  (Af-dur-dur)




Burco somaliland