Burco(GNA)-Axmed Cilmi Barre(Axmed Cilmi yarre)oo ka mid ah Agaasimihii Hore ee wasaarada dib u dejinta ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye.
Axmed ayaa Cilmi ayaa sanadkii 2011-ka xilkiisa ku waayay eedeymo la xidhiidhay musuqmaasuq mucaawimo raashina oo ay dawladda Cumaan ugu deeqday Somaliland oo la boobay, kaasoo nxatooyadiisa loo xidhay isaga iyo laba sarkaal oo kale oo uu ka mid ahaa nla taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka somaliland.
Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Deero ee Magaalada Burco,taas oo ay kasoo qaybgaleen Salaadiin,Aqoonyahan,iyo waxgarad kale oo kala duwan, ayuu kaga dhawaaqay inuu xilkaasi u sharaxanyahay.
Axmed Cimi Barre oo ugu horayn halkaas ka hadlay isla markaana ka cadeeyay hankiisa ayaa yidhi''Waxaan u taaganahay Musharaxa Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye,waxaanan ku rajo waynahay inaan ku guulaysan doono,tartankii xisbiga ee u danbeeyayna waxa uu u dhacay si xor ahtartanka soo socdana waxaan rajaynayaa inuu sidaas oo kale u dhaco,waxaana igu kaliftay inaanis sharaxo waxaan doonayaa inaan ka midho dhaliyo ahdaafta kulmiye ee ah doorta dhalinyarada.
Foos Maxamed Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta halkaas ka hadashay isla markaana ku hadlay magaca Suldaan Foos Maxamed Ducaale ayaa isna soo dhaweeyay musharaxnimada agaasimaha hore.
''aad baan u soo dhawaynayaa Musharaxnimada Axmed Cilmi yarre nin door wayn siyaasada kasoo ciyaaray,Kulmiyena waanu isku ahayn anigana waa uu iga fiicanyahay oo anigu kulmiye waxaan ka hadhay aniga oo sideed sano aanaan isku salaamin ragii siyaasada ku jiray ee aanu cid isugu xignay,dhibaatooyinkiii iyo cadaaalada daradii kulmiye dhexdiisa ka dhacday iyo kuwii isaga lagu sameeyay,isaguna waakaas isu soo sharaxay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee kulmiye waanu hanan kara jagadaas waanan ku taageeraynaa waxaanu leenahay iskuma heshid labada cad xaaji”.
Garaad Saleebaan Daahir oo isna ka mid ahaa madaxdhaqameedyadii xaflada ka soo qayb galay, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka Axmed Cilmi yare “Anigoo ku hadlaya Magaca salaadiinta waxaan aad iyo aad ugu taageersanahay go,aankaas uu qaatay,waayo axmed waan aqaan waa nin nin macquul ah oo firfircoon waanu is barabartaagaynaa,Beelaha kalena waxaanu ka codsanaynaa inay nala qaataan”ayuu yidhi.
Amiir Cismaan Imaaciil,C/raxmaan Maxamuud Gaade,Cabdi Maxamuud Qaloonbi,Faadumo aw nuux oo iyaguna goobtaas ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay inay aad u taageersanyihiin Musharaxan guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye u taagan.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com