Sunday, January 5, 2014

Somaliland:Dawladda Somalia ayaa naga codsatay in wada hadalada dib loo dhigo”.


Hargeysa(GNA)-Wada hadalada somaliland iyo Somalia ayaa mar kale dib u dhacay, maalmo yar ka dib markii ay somaliland dhinaceeda ku dhawaaqday inay tegayso Turkiga Maanta oo Axad ah si loo sii ambo qaado wada hadalka.




Wadahadala ayaa hore dib u dhacay laba jeer oo hore, waxaanay noqonaysaa markii saddexaad ee hakad ku yimaado.




Mucaaridka Somaliland ayaa si adag uga soo horjeestay tegitaanka Xukuumadda ee wada hadaladaasi, ka dib markii ay shalay shir ku qabteen Magaalada Hargeysa, iyagoo ku dooday inaanay aqoonsan doonin wax kasta oo ka soo baxa.




Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa Maanta Warbaahinta u sheegay in dawladda Somalia ka codsatay in dib loogu dhigo wadahadalada, sababo la xidhiidha isbedelka xukuumiga ah ee waddankaasi ka dhacay dhawaan.




“Waxa nala soo xidhiidhay Madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha Somalia waxay naga codsadeen inaanay dib ugu dhigno wada hadalada oo 15-ka bisha aanu ka soo wada xidhiidhno xiliga munaasibka ah”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.




Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa waraysi uu bixiyay todobaadkii hore ku sheegay inay dib u bilaami doonaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland.




Wadahadalada labada dhinac ayaa u muuqda kuwo waajahaya marxalad ka duwan waxyaabihii hore loogaga wada hadlay oo inta badan salka ku hayay qaybsiga dhaqaalaha loogu deeqo iyo sidii isfaham siyaasadeed u dhici lahaa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com